Muuse Biixi oo waji gabax kala kulmay Shir uu la yeeshay qaar ka mid ah dhaliyrada Beesha Cumar jibriil (Habar jeclo)
November 30, 2016 - Written by Berbera Today
Habeenimadii ay salaasadu soo galaysay ee Taariikh duna ahayd 27/11/2016 waxaa uu shir doceed kula yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi qaar ka mid ah dhalinyarada Beesha Cumar Jibriil ee habar jeclo kuwaasi oo uu doonayay inuu kala hadlo sidii ay u taageeri lahaayeen doorashada soo socota ee madaxtoootada, gudoomiye muuse Biixi ayaa tiisa ka dib waxa uu kala hadlay dhalinyarada Beesha Cumar jibriil waxyaabo ka yaabiyay oo uu ujeedadoodu ahayd inuu cid gaar ah kaambaynar ugu yahay Gudoomiye nimada Xisbigaasi inuu ku wareejin doono isla markaana uu taagero uga waydiinayay beesha cumar jibriil wasiirka Madaxtooyada Maxamuud xaashi oo ay Goobtaasi fadhiyeen qaar ka mid ah gacanyarayaashiisa,hadalada kazoo yeedhay Muuse biixi ayaa waxa ka mid ahaa Cumar Jibriilow qaab,ilka aad adeerka u tihiin ee ma hambeeyayaasha ah u dul qaata taas oo uu ula jeedka hadlkiisu ahaa Cumar jibriilow damaciina siyaasadeed iska daaya, Sidoo kale waxa iyana Goobtaasi shirka ka dhacay buuq iyo qaylo waxaanu shirkaasi ku sigtay in lagu kala dareero ka dib markii qaar ka mid ah dhalinyadii shirkaasi ku jirtay ay ka gadoodeen qaabka shirku u socdo iyo inuu afduub yahay oo cid gaar ah loogu talo galay,waxaanu shirkaasi ku dhamaaday guux iyo is fahan la,aan,waxaanay taasi sababtay inuu Gudoomiye Muuse Biixi shirkaasi si degdeg ah uga baxo shirkaasi markii uu arkay jawiga guud ee shirka.