berberatoday.com
Qiso Cajiib Ah:Xaalad Qoys Danyar Ah Oo Mangansaday Wasaarad Kamida Wasaaradaha Dawlada Somaliland Iyo Wixii Ay Kala Kulmeen Wasiiradii Joogay
November 30, 2016 - Written by Berbera Today

qoys-danyar-ahHargaysa(Berberatoday.com)-Maanta Saacadu Markii Ay ahayd Salaadii Duhur,Dhismaha Deyr Ay ku Wada jiraan 3 Wasaaradood oo Kala Wasaarada Diinta iyo Awqaafta,Wasaarada Wershadaha iyo Wasaarada Dibudejinta Waxaa Soo Magansaday Qoys Wata Sadex Caruur ah oo Ay ka Muuqato Diif Aad u Darani Waa Aabaha Dhalay Sadexda caruur ah oo La Yidhaahdo Sayid Isaaq Macalin Kana soo Baracay Abaarihii Sanadkii Hore ku dhiftay Gobolada galbeedka Somaliland Gaar ahaana Gabiley Wuxuu soo Degay Gudaha Hargaysa Isagoo Bilaabay U Xamaalista caruurta Iyo Hooyadood Shaqadiisu Waa Kuuli Waxaana uu Noo Sheegay Inaan gacanta loo Sii Dayn Si Uu Wastaad u Noqdo,Qoyskiisa oo ku Jiray Guri Jiingad ka samaysan oo ay Kiraysteen Waxaa kasoo saaray Dadkii Lahaa kuwaasi oo Alaabtiina Ka Qufushay inta ay Lacagta Iska Bixinayaan Waan Waraysanay Anagoo Ahayn Suxufiyiin badan oo Goobta ku Sugnaa Wuxuu Noogu hal Celiyay Inuu Reerkiisa u Shaqaynay Isagoo Dhisayay Kuulina ka Ahaa Guri Hargaysa Ku Yaalay markii loo soo sheegay In Caruurtii Dibada loo soo Dhigay Isagoo Intaasi ku daray in Lacagta Lagu leeyahayba Aanay Badnayn oo ay tahay 100 Dolar isla Markaana Isagoo Haya ay gabadhii ka Xanuunsatay Ka dib Markii Jin Galay Wuxuu Sheegay inuu 50 ku daaweeyey Isagoo reerkii gurigana u Sheegay Inay Kontonkaas ka qaataan Bisha Kalena Ay ku Lahaadaan Taasi waxaa ay keentay in Caruurta Dibada loo Soo Dhigo Isagoo Ka Haleelay Hal Buste oo uu Sitay isla Markaana ugu talogalay intuu soo helayo in Caruurtu Dhaxanta ka Dugsato. Dadku Iskama War Hayaan,Naxariistiina Xiligan lagu Jiro oo Ah Aakhiru Samaan Waxaad moodaa Inay Gabaabsi tahay Taasina waxay Keentay In Hadii Masaakiintu Dadka wax waydiistaan In Loogu halceliyo Wuu Caadaystay,Been buu Sheegayaa,Wuu ku Dewersanayaa iyo Waxyaabo la mid ah Iyadoo aan Quluubta qofka lagu dhex Jirin Waxaa Lama Huraan Ah in Qofku Markasta Baahan yahay hadii aanu Dhiman Waayo Maalin kasta hadii uu Soo Tooso Wuxuu Cuno ayuu u Baahan Yahay Sidaad ugu Baahan tahay Hadii ay Adiga meel kuu taalo Maaha Inaad dhehdo Wuu ku Dewersanaya Ugu danbayn Waxaanu Kasoo BAxnay Salaadii Duhur Waxaana MAsaajidka Nagula Tukanayay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Khaliil Cabdilaahi Axmed,Waxaanu isku daynay Inaanu Arinta Qoyskan wax Uga Sheegno si uu Wixii uu tari karo U Siiyo Balse Nooma istaagin Isagoo Xafiiskiisa Damcay inuu iska Galo Balse waxaanu Ku Tuurnay hadalo uu Dhibsaday Isagoo Noo Istaagay Arinkii Kolkaanu u Sheegnay Waxuu Noogu jawaabay Waxaanan Uga fadhiyin “Reer Ayuu ka dhashay ee Wax ha waydiisto,Anigu Xagaan wax ka siiyaa,Ha shaqaysto,Muxuu Ka HAdlayaa,Waaar Hadaad Idinku Beer jilicsan Tihiin Waa Yeelkadiin iyo hadalo Dheeraad ahna oo aan Qof MAsuul Ah ku Wacnayn” Mar kale Waxaanu ula Galnay Wasiirka Wasaarada Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse Waxaana aanu sidii oo kale uga Xog Waranay Xaalka ay Qoyskani ku Sugan yihiin Balse Arin cajiib ah Ayaanu Kala Kulanay oo Alle Khayr ugu Bedelayo Isagoo Wasiirkaasi Waraystay Aabaha Qoyska waydiiyayna Xaalku Sida uu Yahay si uu U Hubsado Wuxuuna Ugu danbayn Amray in 100 Dolar ee Lagu Leeyahay Hada La Siiyo Isla Markaana gaadhi lagu Qaado oo Caruurta La geeyo Gurigii ay deganaayeen” Fadlan Walaal Caawi dadka Dhiban Meel Kasta Oo Aad Ku Aragto Ama Xaalad Kasta oo ay ku Sugan Yihiin Hana ku Digan Waayo Rabi BArwaaqo iyo Nimco Uma Waayin ee Inaga Ayaa Laynagu eegayaa Sayid Isaaq MAcalin Wuxuu Sitaa Lambarkaas Cidii u Baahan inay Caawiso Amase U Gargaarto

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews