Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SECJA Oo Canbaareeyey Dhaawac Iyo Jidh-Dil Loo Gaystay Aqoon Yahan Jaamac Cilmi Siciid(JIIR)Oo Fikirkiisa Lagu Soo Weeraray
November 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Warsaxafadeed oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA , ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in qof Raiygigiisa Dhiibtay La dilo Oo Dhaawac Bahalnimo Ah loo Gaysto, waxaanu War-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan :-
Ururka saxafiyiinta Somaliland ee secja waxaa uu canbaaraynayaa Weerarka bahalnimada ah ee Lagu Dhaawacay Aqoonyahan Jaamac Cilmi Siciid(Jiir) Oo Ah Muwaadin Madax Banaan oo Fikirkiisa Ka dhiibta Siyaasada Somaliland Jaamac jiir Ayaa Siduu Sheegay Waxaa Weerarkiisa uu Dusha Ka Saaray Xisbiga Wadani gaar Ahaana Hogaamiyaha Xisbigaasi Xirsi cali Xaaji Xasan oo uu ku Sheegay Inuu Usoo Adeegsaday Koox Weriyayaal Ah iyo Dablay kale Jaamac Cilmi Jiir Waxaa Nabaro iyo Dhaawac Laga Gaadhsiiyay Wejiga iyo Gacan Isagoo Laga Saaray Cusbitaalka Guud ee Hargaysa oo lagu dabiibayay kadib Markii Weerarku Dhacay oo ku Beegnayd 11 Duhurnimo Isagoo ku Sugan Hotelka Xaraf ee Magaalada Hargaysa Cabudhinta,Hanjabaada iyo Dhaawaca Loo gaysto Saxafiyiinta iyo Dadka fikirkooda Dhiibta Ayaa Mudooyinkanba kusoo badanayay Somaliland Waxaana Aanu Ugu BAaqaynaa Hadaanu Nahay Ururka Saxafiyiinta Secja Inay Siyaasiyiintu Ka Waantoobaan Falalka Noocaasi Ah Dhanka Kale Waxaanu Si Adag Uga Dalbanaynaa Ciidamada Amaanka ee Somaliland Inay gacanta Kusoo Dhigaan Cidii Ka Danbaysay Weerarka Loo Gaystay Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir Isla Markaana Sharciga La Horkeeno F.G. Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SECJA Waxaa uu baadhayaa Kooxdii Falkaas Ku Fulisay Aqoonyahan Jaamac Jiir Oo Lagu Soo Weeraray KA dib markii uu Fikirkiisa Ku Dhaliilay Xisbiga Mucaaridka ee Wadani Maalintii Shalay oo Shirjaraaid ku Qabtay Gudaha Magaalada Hargaysa