berberatoday.com
War Deg Deg Ah:-Dagaal Goor Dhawayd Ka Dhacay Degaanka Gumbur Libaax Ee Gobolka Togdheer+Cida Dagaalku Dhex Maray,Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Oo Ka Waramay
November 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Berberatoday.com ayaa sheegaya in deegaanka Gumbur Libaax oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Burco uu dagaal ku dhex maray labada beelood oo wada deg deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran dhuleed oo laysku haysto,waxaaanu sababay dagaalkani dhimashada hal qof iyo dhaawac kale.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer mudane Maxamed Diiriye Xayd  oo shabakada wararka Berberatoday.com goor dhawayd khadka telefoonka kula xidhiidhay si ay wax uga waydiiso khasaaraha uu sababay dagaalkani iyo waxa uu ka dhashay ayaa waxa uu noo xaqiijiyay in dagaalkanu uu ka dhashay muran dhuleed oo gacan biyood ah isla markaana uu sababay dhimashada hal qof,dhaawacna uu jiro waxaana gudoomiye ku xigeenka oo ka hadlaya arrinkaasi uu yidhi sida tan

“Haa wuu jiraa shaqaaqadaa yari dhimashadu waa hal qof,dhaawacna waa jiraa lkn wali tiradooda lama xaqiijin,waxa dagaalku ka dhacayna waa muran dhuleed  oo gacan ah,waxaanu dhacay ilaa galabta”sidaas ayuu yidhi gudoomiye Maxamed Diiirye Xayd

Maxamed Diiriye Xayd gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer oo aanu wax ka waydiinay in labadaasi ciidan maleeshiyaad la kala dhex galay oo ciidan goobta gaadhay iyo inkale ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan

“Haa goobta markiiba ciidan waa gaadhay waa habeenimo iminka oo waa la kala dhex fadhiyaa anaguna inaan ka daba baxno ayaa suuro gal ah oo arrinka galno ,markaa ciidanka ayaa ku kala dhex jira”sidaas ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheerr.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews