berberatoday.com
Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Lacag Ganacsato Reer Jabuuti Ahi Ugu Soo Dhiibeen Gurmadka Abaaraha
December 2, 2016 - Written by Berbera Today

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ku Magacaaban Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo, ayaa Shalay Guddida Abaaraha ee deegaanka Buuhoodle ku wareejiyey Deeq Lacageed oo Ganacsato reer Jabuuti ahi kaga qayb-qaadanayaan Gurmadka Abaaraha ee ka jira Gobollada bariga Somaliland.

Warka Ganacatada JabuutiCali Khaliif oo dhawaan ka soo laabtay Safar uu ku tagay Dalka Jabuuti, ayaa sheegay in Ganacsatada reer Jabuuti oo uu kula kulmay Jabuuti ka codsaday inay Gurmadka Abaaraha kala qayb-qaataan, ay soo dhiibeen Lacag Afartan kun oo dollar ah oo ay ugu talo-galeen inay kaga qayb-taan Gurmadka Abaaraha ka jira Gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan deegaannada Buuhoodle hoos taga, halkaasi oo ay ka dhaqdhaqaaqdo Kooxda la baxday Khaatumo.

Cali Khaliif oo deeqda Lacagta ah ee uu ka soo qaaday Ganacsatada reer Jabuuti Shalay ku wareejiyey Guddida Abaaraha ee uu isagu Magacaabay, ayaa isagoo faahfaahinaya Cidda uu Lacagta ka soo qaaday wuxuu yidhi, “Afartanka kun ee aan idiin sheegayay waxay ahayd Lacagta ay noo soo dhiibeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Reer Jabuuti ee aanu la kulanay. Dadkaa Lacagta noo soo dhiibayna waxa dhibaysa Abaarta oo waxay doonayaan inay Gurmadka ka qayb-galaan.”

Galaydh wuxuu ku adkeeyay Guddida Abaaraha ee Lacagta lagu wareejiyey inay si hufan u maamulaan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews