Dawlada Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay Hogaamiye Mucaarad Oo Caan Ah
December 2, 2016 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa xidhay hogaamiye mucaarad oo caan ah.
Merera Gudina oo ah hogaamiyaha Oromo Federalist Conference ayaa magaalada Brussels u aaday si uu khudbad ugu jeediyo baarlamaanka Yurub isaga oo ka warbixinaya xaaladihii u dambeeyay ee dalka oo ay ka mid tahay lixda bilood ee xaaladda dagdaga ah ee dalkaasi lagu soo rogay bishii October.