berberatoday.com
Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda Oo Bilaabaya Dacwad U Dhaxaysa Garabyada WADDANI
December 2, 2016 - Written by Berbera Today

Guddida Diwaangalinta Oo Maanta Xaruntooda Kula Kulmaya Looyarada Labada Garab Ee Waddani

 Dullucda Dacwaddan Oo Ay Guddida U Gudbiyeen Garabka Toosinta Ee Axmed Muumin Seed Hoggaamiyo + Looyarrada Labada Dhinac Oo Khamiista Maanta Ah Loo Yeedhay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Diwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, ayaa bilaabaya Dhegaysiga Dacwad u dhexeysa Garabyada Xisbiga WADDANI ee ay kala hoggaamiyaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Axmed Muumin Seed.

Warka 1-aad (12)Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasaddu Khamiista Maanta ah u yeedheen Looyarrada u doodaya labada garab ee Xisbiga WADDANI, si loogu war-geliyo xilliga Dhegaysiga Dacwadda la bilaabayo.

Dacwadda Guddidu bilaabayso ka gar-naqeeda, oo ay bishii hore dabayaaqadeedii u gudbiyeen Garabka Toosinta ee Xisbiga WADDANI ee uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed, ayaa dullucdeedu tahay isla-markaana ay  kaga ashkatoonayaan siduu u dhacay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaasi ku qabsaday Huteellada Maansoor iyo Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Garabka Toosinta WADDANI, ayaa ku doodaya inaan Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaasi loo qabanin si waafaqsan Xeerka Xisbiyada Dalka, oo ay ka qayb-galeen tiro laba jeer ka badan tirada saxda ah ee Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas, sidoo kalena Tartankii Musharraxiinta Jagada Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI aanay u dhicin si Caddaalad ah.

Dacwadda ayaa waxa Qodobbada kale ee ku jira ka mid ah, in sifo aan sharci ahayn qaab-dhismeedka Xisbiga loogu soo daray Xilal aan hore u jirin.

Axmed Muumin Seed oo u tartamayey Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI oo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ka ahaa tan iyo markii la aasaasay Xisbigaasi, ayaa ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe, ka dib markii Shir-guddoonkii hagayey Shirku ka hor-mariyeen Musharraxii kula tartamayey Jagada Madaxweyne ku-xigeenka oo ah Dr. Maxamed Cali Aw Cabdi isla-markaana la doortay.

Axmed Muumin Seed, ayaa xilligaa ka dooday inuu xaq u lahaa in Shir-guddoonku isaga Magaciisa yeedhiyaan doorashada Musharraxa Madaxweynaha ka dib, maaddaama oo uu ahaa Guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad, xaqna u lahaa in xilliga doorashada ay isku xigaan Guddoomiyaha Xisbiga iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad oo isaga ah, laakiin Hoggaanka guddida fulinta ee Xisbiga WADDANI oo sheegay in Seed diiday ergooyin doonayey inay waan-waan ku dhameeyaan cabashadiisa ayaa fadhi ay yeesheen Toddobaadkii hore kaga qaaday Xilka Guddoomiye ku-xigeen ee uu ka hayey Xisbigaasi, wallow Seed uu sheegay in aanay Guddi fulineed ka qaadi karin.

Garabka Toosinta WADDANI ee Axmed Muumin Seed Hoggaamiyo ayaa waxa kale oo ku jira Guddoomiye ku-xigeenkii 2-aad ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Faarax-dheere oo isaga laftiisa Guddida fulinta WADDANI sheegeen inay xilka ka qaadeen iyo Xubno kale oo muhiim ah.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews