berberatoday.com
Gudoomiye Cirro Oo Sheegay In Saldhiga Dhexe Hargeysa Loo Diiday Inuu Galo Xilli Uu Booqnayay Xubno Eedaysanayaal Ah Oo Halkas Ku Xidhan
December 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland ayaa ciidanka amaanka ee saldhiga dhexe ka horjoogsadeen inuu soo bookhdo masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa iyo wariye falal kala duwan xukuumaduy u xidhay.

cirro
Cabdiraxmaan ciro ayaa ciidanka ku edeeyay in ay qoryo ku qabteen isaga oo ah guddoomiye baarlamaan oo dastuurka somalilan damaanad qaadayo xilka iyo xasaanada uu qaranka u hayo,waxaana uu ku edeeyay in sifo qalafsan loola dhaqmay.
“waxaan shacabka somaliland u sheegayaa wixii ka dhacay saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa waxa uu fool xumo ku ahaa qaranimada somaliland iyo dawladnimadaba,waxaanu subixii hore ee saaka ku dagnay saldhiga dhexe ee hargaysa aniga iyo saraakiil ka socday xisbiga waddani,waxaanu u soconay oo kaliya sarkaal sare oo ka xidhan xisbiga waddani si aanu u soo salaano oo kaliya,waxaanu xadhigaas u aragnaa xadhig siyaasadeed oo cid uu ilaa hadda uu u xidhan yahay aan la garanayn.
intaas waxa uu ku daray cabdiraxmaan ciro oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi”.waraaq qabasho oo loo keenay majirto xisbigana lama soo ogaysiin madaama oo uu sarkaal sare oo xisbiga ka tirsan yahay lakiin arinkaas umaanu socone waxaanu u soconay oo kaliya inaanu soo bookhano kadinka xabsiga markaanu tagnay waxaanu ugu tagnay nin sarkaal ah oo joogay madasha iyo laba askari meelahaas oo kadinka jooga oo hubaysan waxaanu uu nagu yidhi gali maysaan saldhiga,waxaan ku idhi aniga may garanaysa waxa uu ku jawaabay haa,waxaan waydiiyay sab lagu diidi karo aniga may sheegi karaysaa maya ayuu yidhi oo anigu amarkaas ayaan haystaa ayuu yidhi.
Geesta kale cabdiraxmaan ciro waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in isaga oo masuul qaran ah guddoomiye baarlamaan ah dalkana ka doonaya inuu hogaamiyo laga horjoogsado saldhiga uu soo bookhanayay.
“Askarta qaar ka mid ahi intii aanu meesha joognay aflagaado iyo cay ayay nagu yidhaaheen iyaga oo mararka qaar macaa si khaldan u isticmaalayay hubka ay gacanta ku hayeen qoryo ama ha noqdaan ama baaskoolade dabadeena waxaanu garanay hadii aanu masuuliyada hayn inaanu iskaga nimaadno,waxaana khaladka runtii iska leh cidii amarka khaladka ah ciidanka siisay anigu askarta waxaan u haystaa majirto inkasta oo aflagaado iyo huba nagu fiiqeen.
Sidoo kale cabdiraxmaan ciro ayaa ganafka ku dhuftay hadalo ka soo yeedhay maxamed muuse diiriye wasiiru dawlaha wasaaradda arimaha gudaha oo ku edeeyay inaanu waraaqo amar loogu fasaxayo ka soo goosan laamaha amaaka ayaa ku dooday.
“muwaadiniinta caadiga ah hadii aad tagto imika saldhiga waxaad ugu tagaysaa dad soo bookhanaya dad ka xidhan iyagu ma wasiirka daakhiliga ayay warqad ka soo qaateen mise jananka ayay ka soo qaateen ileen muwaadin ayaan ahay oo muwaadiniinta ayaa la simanee,masuuliyada aan hayan in lagu ixtiraamo ayay mudan yihiin musharax madaxwayne ayaan ahayn guddoomiye baarlamaan ayaan ahay xilkaasna igumay ixtiraamin.
ciro ayaa si cad siilaanyo igu sheegay wakhtigii uu mucaaradka ahaa wixii dhici jiray ee uu ka cabana jiray inaan maanta looga baahnayn in ay xukuumadiisu ku kacdo”Hore ayuu siilaanyo uga cawday xabad ayaa lagu qabtay qori ayaa laygu fiiqay in ay taasi soo noqoto waan ka xumay.
Gaba-gabadii guddoomiye cabdiraxmaan ciro ayaa masuuliyiinta iyo wariyahan uu soo bookhanayay ayaa lagu xidhay in ay dil u gaysteen nin muwaadin ah oo qora maqaalada,waxaana ay arinkani ku soo beegmaysaa xili bookhadii uu ugu tagi lahaa ciidanku diideen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews