Mareykanka”Soomaaliyad Ka Qayb-gashay Tartanka Quruxda Ee Gobolka Minnesota
December 2, 2016 - Written by Berbera Today
Minnesota(Berberatoday.com)-Gabadh Soomaaliyad oo haysata dhalashada dalka Maraykanka, ayaa markii u horreysay ka qayb-gashay tartanka quruxda Gabdhaha ee Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka iyadoo Asturan.
Xaliimo Aadan oo 19-jir ah, ayaa soo Xidhatay dharka Asturan ee Muslimiinta, iyadoo Jirdhkeeda qarisay intii uu bandhigu socday.
Xaliimo oo ku dhalatay dalka Kenya, iyadoo yarna u Wareegtay Magaalada St Cloud ee Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka, ayaa ka mid noqotay 15 ruux ee ugu sarreeyay Tartankaas oo muddo laba maalmood ah socday.