berberatoday.com
Murashax Muuse Biixi Oo Habeenkii Saddexaad U Hoyday Gobolka Saaxil, Kulamo Gooni-gooni Ahna La Qaatay Qorweynta, Dhalinyarada, Mujaahidiinta Iyo Haldoorka gobolka+ Maalinta Berri oo uu Qado ku leeyahay Degmada Sheekh Abdaal
December 2, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaas, ayaa habeenkii Saddexaad salligga dhigtay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, isla markaana uu kulamo Siyaasadeed oo gooni gooni ah kula yeeshay qaybaha bulshada ee Gobolkaas.
Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhexda iskaga maray qoorweynta gobolka Saaxil, isaggoo isku dhiibay qoorweynta Gobolka Saaxil iyo waxgaraadkooda, isla markaana waxa kulan uu la qaatay ka sheegay inuu maanta Marti uga yahay Codkooda iyo inay hormuud ka noqdaan reer Saaxil dhismihiisa iyo Kaambeynka loogu dhisaayo Musharraxnimadiisa, maadaama oo reer Saaxil uga aqoon badan yihiin halabsiga Sallaanka Siyaasadda ee laga guulo Kursiga Madaxtooyadda. 
Sidoo kale, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gooniya la yeeshay Dhalinyarada gobolkaas isagoo ka martiyey Codkooda, isla markaana u sameeyey balanqaad iyo inuu u sameyn doonk shaqooyin. 
Dhinaca kale, Musharrax Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan kale la yeeshay Mujaahidiintii dalka usoo halgamay Xilligii SNM, kuwasoo ay si xeel dheer isku xaal wareysteen, isagoo ka dalbaday inay dhisaan Mujaahidiintu.
Docda kale, Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu maalinta berri ah qado loogu sameynaayo Degmada Sheekh Abdaal, halkaasoo u kulan la qaadanaayo Waxgaraadka heer deegaan ee Gobolkaas. La soco wixii kasoo Kordha Kulamadaas Muuse Biixi la yeelanaayo waxagaraadka Saaxil.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews