berberatoday.com
“Qadarkaan Calooshiyo. Riximka Igu Qaadiyo. Fooshii Qadhaadhayd.Adigaan qandhoonoo.Qalbigaagu jabinoo.Qacdii Aad Idihataan.Naaskaaga Quutoon. Dambar Kaa Qudh Qudhiyoo. Qumaneey Dhabtaadaad”Maansada Quman Hooyo Iyo Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool
December 2, 2016 - Written by Berbera Today

MAANSADA QUMAN OO SOO BAXDAY 01.DEC.2016, WAXAANA CURIYAY ANIGOO AH XIIS MAXAMED CILMI( SHANFOOL ) MAANSADA QUMAN OO KA HADLAYSA QIIMAHA HOOYADU LEEYAHAY IYO TACABKA AY INALA SOO MARTAY BALSE AYNAAN DAREENSANAYN, HADDABA MAANSADA QUMAN WUXU KU BILAABAY SIDAN HOOS KU QORAN, WUXU YIDHI:-

 

Shanta qaaradood iyo.

Qaybaha adduunyada.

Haddii laysku qoofalo.

Qiyaastaada miisaan.

Adna lagugu qaabilo.

Qiimahaaga hooyooy.

Qiray inu ka culus-yoo.

Waxad tahay mid qaaliya.

Qadarkaan calooshiyo.

Riximka igu qaadiyo.

Fooshii qadhaadhayd.

Adigaan qandhoonoo.

Qalbigaagu jabinoo.

Qacdii aad i dihataan.

Naaskaaga quutoon.

Dambar kaa qudh qudhiyoo.

Qumaneey dhabtaadaad.

Dhaxan igaga qarisoo.

Qadh qadhyada legaagaa.

Qol dugsoon ku yeeshoo.

Dhabarkaaga qayd-baad.

Qunyar igu xambaartoo.

Adoon quud dhadhaminoo.

Gaajada Qadoodiga.

Qardo aan dareemayn.

Qaboobaha habeenkaad.

Xili aan qof soo kicin.

Cunto qaayo badan iyo.

Igu qabatay caanoo.

Qaboonada aroortii.

Adigoon quraac cunin.

Quruskaaga anigaad.

Qumbe iigu loogtoo.

Raad qaadistaydii.

Yuu meel fog qaban iyo.

Yuu qaadan dhuxushiyo.

Qajajada ka dhawr iyo,

Qori yaanu mudinbaad.

Qoodh igala socotoo.

Hees qiiro badan iyo.

Magacyada qurxoonbaad.

Dartay aad u qayb-too.

Qisaskiyo aday baray.

Qawlka iyo hadalkoo.

Qudh markaan istaagee.

Quwad yeeshay adigaa.

Qiyamkiyo tarbiyad wacan.

Qalin iigu dhigayoo.

Markaan dhaafay qayrkay.

Maryo loo qushuucaad.

Qarash badan ka bixisood.

Hadba igu qotomisoo.

Qaan gaadhistaydiyo.

Qarni aniga oo jiray.

Waligaa adow qaba qof yar wali inaan ahay.

Ana hooyo quruxeey.

Waxa aad u qalantiyo.

Abaalkaaga qaniga ah.

Qadar lagu amaaniyo,

Qoraal kuma gudaayee.

Qurayshtii adduunkaay.

Qoyanida xayaatada.

Dhiba QAADIR kuma bado.

Qatliga iyo geerida.

Ducaan kuu qadimayaa.

ALLE kuma qaloocshoo.

Qabuurta iyo iilkana.

Qafladiyo su,aalaha.

Qafiif uga jawaaboo.

RABI qaladka kaa dhawr.

Qiyaamahana aakhiro.

Inta uu quraankani.

U Shafeeco qaadiyo.

Ambiyada la qolo noqo.

Qul qul oo siraadkana.

Qumanaan ku dhaafoo.

Qolqolada fardowsiyo.

Jano hooyo quusoo.

Noqo Qoomka nabad gala.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

 

ABWAAN XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL ) BERBERA SOMALILAND.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews