berberatoday.com
Qiimaha Shidaalka Adduunka Oo Kor U Kacay, Ka Dib Heshiiskii OPEC
December 2, 2016 - Written by Berbera Today

Jeddah(Berberatoday.com)-Ururka OPEC oo ay ku mideysan yihiin Dalalka Adduunka ee soo saara Shidaalka, ayaa kulan ay yeesheen Shalay waxay ka soo saareen Go’aan saamayn ku yeelanaya Adduunka oo dhan.

Dalalka ku mideysan OPEC, ayaa Go’aan ku gaadhay inay muddo 8 Sannadood ah hoos u dhigaan Wax-soo-saarka Shidaalka, si hoos u dhaca qiimaha Shidaalka Adduunka Xal loogu helo isla-markaana uu kor u kaco Qiimaha Shidaalka la kala siistaa.

Maxamed Bin Saalax Al-saadah oo ah Wasiirka Batroolka ee Dowladda Qadar, ahna Guddoomiyaha Ururka OPEC, ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladaha shidaalka soo saara ay isku raaceen in la dhimo maalin walba 1.2 Milyan oo Barmiil oo Shidaal ah, si suuq wanaagsan loogu helo dahabka madow ee ay soo saaraan dowladaha dhaqaalahoodu uu ku tiirsanyahay Shidaalka.

Go’aanka OPEC ka dib, waxa markiiba sare-u-kac ayaa laga dareemay sayladaha shidaalka ee Adduunka, waxaana la sheegay 8.4% uu sare u kacay qiimaha shidaalka gaar ahaan Baasiinka.

Sucuudiga oo ah Dalka ugu soo-saarka badan Shidaalka Adduunka, ayaa ballan-qaaday inuu dhimayo 500 oo kun oo foosto Maalin walba, halka Ruushka oo aan xubin ka ahayn Opec uu sheegay inuu wax-soo-saarkiisa Shidaalka ka dhimayo 300 oo kun oo Barmiil.

VIENNA, June 3, 2016 (Xinhua) -- The secretary general of the Organization of the Petroleum Exporting Countries (OPEC) Abdalla Salem el-Badri (R), Qatari Oil Minister Mohammed bin Saleh al-Sada (C) and director of OPEC's research division Omar Abdul-Hamid attend a press conference in Vienna, capital of Austria, on June 2, 2016. OPEC once again failed to set an oil output quota after a meeting held here on Thursday, an OPEC official has announced. (Xinhua/Qian Yi) (Credit Image: © Qian Yi/Xinhua via ZUMA Wire)

VIENNA, June 3, 2016 (Xinhua) — The secretary general of the Organization of the Petroleum Exporting Countries (OPEC) Abdalla Salem el-Badri (R), Qatari Oil Minister Mohammed bin Saleh al-Sada (C) and director of OPEC’s research division Omar Abdul-Hamid attend a press conference in Vienna, capital of Austria, on June 2, 2016. OPEC once again failed to set an oil output quota after a meeting held here on Thursday, an OPEC official has announced. (Xinhua/Qian Yi) (Credit Image: © Qian Yi/Xinhua via ZUMA Wire)

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskaasi sababay in Ciraaq oo illaa 1990-kii qiimaha Shidaalkeedu dhulka yaalay ay markii u horeysay halka foosto gaadhay $ 49 doollar.

Magaalooyinka London iyo New York ee Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa qiimaha Shidaalkoodu gaadhay meel sare.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews