berberatoday.com
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Eedeeyey in Uu La Kala Saftey Hay’ado Ku Tartamay Mashruuc $21 Malyuun Ah Oo Muddo Saddex Sanood Ah Lagu Horumarinayo Waxbarashada
December 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibrahim Habbane (Cabdillaahi-Dheere), ayaà la weriyey in uu Hay’adda UNICEF ka qaaday Mashruuc ay fulin lahayd oo ku saabsan waxbarashada kaasi oo ay ku heshay cod loo qaaday iyada iyo hay’ad kale.

20161202_181654

Mashruucan oo qiimihiisu labaatan milyan oo Dollar ku kacayo ayaa sida aanu Aftahannews.com iyo Hayaannews.net oo iyagu warbixintan daabacay kasoo xiganay waxaa wasiirku guddi u saaray inay ka garsooraan cidda maamulaysa mashruucan fulintiisa kaasi oo ay ku loollameen Hay’adaha UNICEF iyo Save the Children. Guddida uu Wasiir Habanne u saaray qaddiyadan oo ka koobnaa Khubaro iyo mas’uuliyiin takhasuskoodu yahay waxbarashada oo tiradoodu ka koobnayd 94 xubnood ayaa warku tibaaxay in ay cod gacan taag ah oo ay u qaadeen Hay’adda mashruucan qaadan doonta ee maamulka fulintiisa yeelan doonta waxaa ku guulaysatay Hay’adda UNICEF oo warbixintu sheegtay inay heshay 94 cod, halka ay Save the Childern heshay 92 cod, sidaasina ay ku guulaystay UNICEF inay maamusho mashruucan oo muddo saddex sanno ah socon doona, lacagta ku baxaysaana ay tahay $21 Malyuun oo ay Qaramada midoobay ku bixinayso Waxbarashada Somaliland.

Sidaasi oo ay tahay ayaa Warbixinta lagu baahiyey degellada wararku tibaaxeen in wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare uu u gacan togaaleeyey Hay’adda Save the Children isaga oo duudsiyey hay’addii ku guulaysatay maamulka mashruucan. Sida ka muuqatay Muuqaallo Video ah oo la socday warbixinta ayaa Wasiir Habanne oo isagu guddoominayay kulanka ay guddida Khubarada ahi ugu codaynayeen mashruuca, waxaa uu tiraabay weedho cadho kamuuqato oo ka turjumaya diidmadiisa UNICEF “Anigaa Xaq u leh cidda aan doono inaan mashruucan siiyo, UNICEF-na ma siinaayo” ayaa kamid ahaa weedhaha uu wasiirku ku tiraabay ee kamuuqday Video-ga laga duubay kulankan.

Warbixinta ayaa dhinaca kale ka digtay cidhib xumada ay tallaabada wasiirku dhaxalsiin karto fulinta mashruucan, taasi oo werwer ka muujisay in sababi karto in qaramada midoobay joojiso fulinta mashruucan oo ay hore u soo maamushay Hay’adda UNICEF. Guddigi uu wasiirku u xilsaaray in ay kala saaraan labadan hay’adood ayaa sida warbixinta kamuuqata la weriyey in ay ka biyo diideen go’aanka wasiirku qaatay. Geesta kale masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo aanu isku deynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin inaanu khadka telefoonka ku helo, kadib markii ay xalay xidhnaayeen qaarkoodna la qaban waayay telefoonnada gacanta ee Wasiirka iyo masuuliyiinta xafiiskiisa.

Waa Noocma Mashruucu, Muxuuse Ka Tarayaa Waxbarashada Somaliland?

Mashruucan waxa Ku baxaysa Lacag badan oo ah 21 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah muddada saddexda sano ah ee uu socdo, waxaana ka faa’iidaysta Bahda Waxbarashada Somaliland, isla markaana waxaa ka Mushahar qaata Saddex (300) Boqol oo Macallin kuwaas oo Mushahar joogto ah laga siiyaa Mashruucaas. Sidoo kale, waxay Macallimiintu ka helaan Tababbarro Xirfaddooda Aqooneed kor loogu qaadayo, waxaanay Wasaaraddu ka heshaa dhismayaal iyo taageerooyin kale oo fiican.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews