Dalka Shiinaha Oo Cadho Ka Muujiyey Ficil Uu Sameeyey Donld Trump Cabasho Ka Dhan Ahna U Gudbisay Xukuumada Washington
December 3, 2016 - Written by Berbera Today
Bejein(Berberatoday.com)-Xukuumada Shiinaha ayaa ka cadhootey ficil uu sameeyey madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ficilkaas oo ah wadahadal dhanka taleefoonka ah oo Donald Trump uu la yeeshay madaxweynaha Taiwan.

Dalka shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol ka mid ah dal weynaha Shiinaha balse gooni isu taagay.
Xidhiidhka tooska ah ee Trump uu la yeeshay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa waxa uu jebiyay siyaasad soo jireen ahayd oo dhanka diblomaasiyadda ah oo Mareykanka kula dhaqmi jiray Taiwan.