berberatoday.com
Iiraan Oo Hub Ku Daabushay Soomaaliya
December 3, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Hay’ad fadhigeedu yahay Britain oo cilmi baadhis ku sameysa hubka loo adeegsado collaadaha ayaa sheegtay inay hayso caddeymo muujinayo in hub badan oo laga keenay Iran ay gaadheen Soomaaliya iyo Yemen

 

Dad khubura ah ayaa baaray hubkan oo saarnaa maraakiib lagu qabtay iyaga oo maraya badda, waxaana lagu ogaaday in hubkan asal ahaan uu ka yimi Iran, qaar ka mid ah hubkaasina ay suuragal tahay in loo waday Soomaaliya oo kooxda Al-shabaab ay dagaal kula jirto dowladda iyo ciidamada Midowga Afrika.

Hubkan ayaa isugu jiray qaroyaha darandooriga u dhaca, gantaaallo iyo bambaanooyin.

Baadhitaanno dheeraad ah oo la sameeyay, ayaa khuburada waxay sheegayaan in tirsiga hubkaasi ku diwaangalsan ay muujinayaan in lagu sameeyay dalka Iiran.

Balse khuburada ayaa wali ku howlan baadhitaanka si loo ogaado cidda dhabta ah ee ku lug lahayd dhoofitna hubkaasi.

Mas’uulliyiinta qabtay markabkan ee dalalka Faransiiska iyo Australia ayaa sheegay in jiheeyayaasha marakiibtan iyo wareysiyo ay la yesheen shaqaalaha ay ku ogaadeen in ay ku socdeen Soomaaliya iyo Yemen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan cusbooneysiiyay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, cunaqabateyntaasi ayaa haseyeeshee u oggolaaneyso xoogagga ammaanka ee Soomaaliya inay hub soo dajistaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews