Ilmo 7 Jir Ah Oo Haraad Ugu Geeriyooday Jiidda Ceel-Afweyn
December 3, 2016 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Ilmo 7 jir ah ayaa toddobaadkan haraad ugu geeriyooday deegaanka Xaniid oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag, ka dib markii ay jiiddaas ku habsatay abaar iyo biyo la’aan aad u halis ahi.
Odayaasha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkaas oo 7 jir ahaa uu u geeriyooday haraad, waxaanay dadka deegaanka Ceelafweyn beesha caalamka iyo dawladda Somaliland ka codsadeen in dadkaas lala gaadho gurmad deg deg ah si loo badbaadiyo dadka maatada ah, maadaama oo ay xoolihii ka le’deen.