berberatoday.com
Milicsiga Khudbadii Rayaale Ee 3 June 2010 Oo Uu Kaga Hadlay Heerka Uu Marayay Xidhiidhka Caalamka Iyo Somaliland –
December 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berb eratoday.com)-Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu  akhristayaashiisa halkan ugu  soo gudbinaynaa  qayb ka mid ah khudbad uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale jeediyay 3 June 2010 oo ahayd maalmihii ololihii doorashada madaxtooyada ee lagaga guulaystay.

 

Qaybtan wuxuu kaga hadlayaa siyaasadiisii dibadda, waxaanu shacabka wakhtigaas u sheegayay inuu ku guulaystay inay Somaliland safiiro iyo wakiilo ku leedahay in ka badan 23 wadan oo dunida ah. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu khudbadiisa oo waxyaabo badan xambaarsan wakhtigaana aan sida maanta loo dhaadayn uu ku bilaabay sidan,  “Intii Xisbiga UDUB uu talada hayay waxa habeen iyo maalinba dedaal loogu jiray sidii ay Somaliland uga mid noqon lahayd dalalka la aqoonsan yahay. Sidaas darted waxay wasaarada hawshan u xil saarani ku guulaysatay in ay dalal badan oo dunida ka mid ah ku qanciso xaqa ay u leedahay dalka Somaliland in loo tix geliyo madaxbanaanideeda ku timi doonista shacbiga.

Waxa la sameeyey siyaasada arimaha debeda ee dalka jamhuuriyada Somaliland (foreign Policy).

Waxa lagu guulaystay in 23 wadan oo aduunka ka mid ah laga furo xafiisyo ay joogaan wakiilo rasmi ahi iyo qaar ay joogaan wakiilo sharafeedyo

Waxa si aan kala go’ lahayn loo abaarray ururada ay ka mid yihiin EU-da, AU, Jaamacad Carabta, Urur-goboleedka IGAD, taasina ay keentay in si cad oon madmadow ku jirin loo kala saaro qadiyada Somaliland iyo arimaha Somaliya.

Waxa kale, safaro aqoonsi raadin ah oo ku siman ilaa heer Madaxweyne, Madaxweyne ku-Xigeen, Wasiiro, Xildhibaano  lagu booqday  ugu yaraan 24 dal dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.

Waxa suurto gashay in baasaboorka Somaliland lagu tago wadamo badan oo dunida ah.

Waxa suurto gashay in weftiyo sare oo xaqiiqo raadis ahi dalka yimaadaan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka ururka Midowga Afrka (AU), Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka Kenya, iwm.

Waxa kale oo lagu guulaystay in xidhiidh iskaashi wacan lala sameeyay dalalka jaarka sida Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo yemen.

Waxa kalood ogtihiin in midhaha Safaradaasi ka soo baxay ay suurto galisay in markii ugu horeysay muddo 19 sanadood ah ay dalkeena booqasho ku yimaadaan, Masuuliin sare oo ka socda Dawladdaha Maraykanka, Ingiriiska, sida: Mrs. Jendayi Frazer (Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsanaa Arrimaha Africa) Iyo Cris Millen (Wasiiru-Dawlaha arrimaha Afrika ee Ingiriiska)

Xukuumada Somaliland   waxay Kharash ku bixinaysay sharci yaqaano iyo la-taliyayaal dhinaca horumarinta qadiyada Somaliland. Taasina waxay keentay in la kasbado dalal badan, hay’ado iyo jaamacado badan oo aduunka ah iyadoo aqoon yahano badani haatan u ololeeyaan qadiyada Somaliland.

Waxa aqoonsi raadinta kaalin mug leh ka qaata jaaliyadaheena debeda oo ay hormuud u yihiin hawlwadeenada xisbiga UDUB ee wadamada debeda.

Waxa soo bidhaamaya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo aan rajo wayn noo muujiyeen wadamo badan oo aynu saaxiibo nahay.         

Waxa nasiib darro ah in marka ay wufuud dawladda ka socotaa safar ugu  baxdo dibedda si loo sii ambaqaado aqoonsi raadinta  ay marwalba  barbar socdeen baaqyo iyo dhambaalo ku lidi ah dedaalka xukuumadda ee aqoonsi raadinta oo ka imanayay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xisbiga KULMIYE; mararka qaarkoodna ay abaabulayeen mudaharaadyo looga gol lahaa in la wiiqo sumcadda wanaagsan iyo qadiyadda gooni isu taaga Somaliland.”

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews