Muslimiinta Ku Nool Jakarta Oo Ka Dibadbaxaya Badhasaab Kirishtan Ah Oo Markii Labaad Doonaya In Dib Loo Doorto
December 3, 2016 - Written by Berbera Today
Jakarta(Berberatoday.com)-Tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo ururay caasimadda dalka Indonesia ayaga oo dalbanaya in lasoo xidho badhasaabka Jakarta.

Saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 20,000 oo ciidamada ammaanka ah lagu daadgureeyey magaalada si loo xaqiijiyo in banaanbaxyada ka dhanka ah Basuki Tjahaja Purnam aysan isu rogin kuwa rabshado wadata, sidii dhacday bishii tagtay.