berberatoday.com
Ayaan Cashuur oo loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya UK oo bulshada uga jawaabtay xilka cusub ee loo magacaabay iyo Bandhiga todobaadka Soomaalida UK (Somali Week Festival UK )oo ay maamusho.
December 4, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Axad.05.12.16London(Berberatoday.com)Ayaan Cashuur oo loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya UK oo bulshada uga jawaabtay xilka cusub ee loo magacaabay iyo Bandhiga todobaadka Soomaalida UK (Somali Week Festival UK )oo ay maamusho.

Qoraalkan oo ay ku baahisay bogeeda facebuuga hoos ka akhriso.

”Subax wanaagsan oo suuban, good morning.
Aad iyo aad ayaan idiinka wada mahadcelinayaa hambalyada iyo ducada, Ilaahey waxaa ka baryayaa in uu xilka ummadda la iigu dhiibay igu asturo, aniga iyo mudanayaasha madaxwaynuhu mar na wada magacaabay.

Dad badan ayaa hambalyada waxay ku dareen in xil ka wayn aan u hayay ummadda, labadda xil waxay ku kala duwan yihiin. mid waa xil qof aan aan iskugu xilqaamay, midna waa xil ummad magaceed, iyo qaran ii igmaday. ka dambe waa qaan, hambalyaduna waa qaan, waxay sii xoojinaysaa in ummaddu xilka ay kuu dhiibatay in oo yahay shaqadani.

Waxa kale oo xilkani kaga duwan yahay xilalka kale, waa xil aan ku matali doono qaran, wuu ka wayn yahay xil xukuumad loo hayo. wuuna ka culus yahay xil wakiilnimo waayo waa dal aan aqoonsi caalami ah haysan. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan xilkaas ummadda iyo Qaranka Somalilandba u qabto. Waxaa kale oo aan ku faraxsanahay in masuulka aan toos la shaqayn doono uu yahay Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Khaarajiga. iyo guud ahaan shaqaalaha Somaliland Mission – UK.

Waxa aan u mahadcelinayaa Wakiilka Somaliland ee UK, Cali Aadan Cawaale oo shaqadan muddo badan qaranka u soo haya, aanaannu ka wada shaqaynay arrimo kale oo ku saabsan danaha bulshada Somaliland.

Ummadda Somaliland ee ku dhaqan UK waxaan ka filanayaa wada shaqayn, mucaaradkooda, iyo muxaafidkooda. Insha Allah mission -ka Somaliland inta aan joogo waxa oo noqon doonaa goob u furan mucaarad iyo muxaafid, dhallinyaro, iyo waayeel, wadaad iyo waranle, iyo cududda aan marwalba ku tiirsanahay ee haweenka.

Ayaan Cashuuy

Londonimg_0314

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews