berberatoday.com
Madaxweynihii Hore Ee Dalka Cuba Fidal Castro Oo Maanta La Aasayo
December 4, 2016 - Written by Berbera Today

Santiago(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Cuba Raul Castro ayaa horkacay xaflad ballaadhan oo magaalada Santiago loogu sameeyay tacsidii ugu dambeysay ee walaalkii Fidel Castro._92823044_fd44e921-9bf2-42da-b9a2-b9cd05cb8f85

Tobannaan kun oo qof oo u dhalatay Cuba ayaa ka qeybgalay xafladda, sidoo kale waxaa xafladda goob joog u ahaa hogaamiyayaal caalamka ka socday.

Raul Castro, waxa uu wacad ku maray inuu ixtiraami doono mabaadii’dii hanti wadaaga ee kacaankii uu hogaaminayay Fidel Castro, kaasi oo dhintay 25-kii bishii Nofeembar isagoo ay da’diisu tahay 90 jir.

Waxa uu sheegay si waafaqsan rabitaanka iyo dardaaranka walaalkii aanay jiri doonin taalooyin iyo wadooyin loogu magacdarayo Fidel.

Waxaa dambaska Fidel Castro oo jidhkiisa la gubay sida dhaqanka dalkaasi qabo lagu aasi doonaa magaalada Santiago halkaasi oo loo yaqaan inay tahay barta uu ku dhashay kacaanka Cuba.

Dambaska maydkiisa ayaa Santiago la geeyay maalintii Sabtida kaddib safar qaatay afar maalmood oo maydkiisa looga soo qaaday magaalada caasimadda ah ee Havana.

Dad fara badan ayaa ku qeylinayay ‘Fidel nolol dheer ku noolow’ iyo ‘Waxaan ahay Fidel!’ ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Santiago.

 

 

 

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews