Masuulkii Saddexaad Ee Iska Casilay Xilkii Uu Madaxweyne Siilaanyo U Magacabya+Waa Kuma
December 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah masuulyiintii xalay uu madaxweyne Siilanyo magacaabey ayaawaxaa uu hada shaaciyey in aanu xilaasi qaban karin .
Masuulkan oo ah wasiir ku-xigeen xalay loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Dhago-wayne oo ka soo jeeda beelaha dega degmada Salaxley ayaa goor dhawayd hadalkani sheegay isaga oo xusay in aanu qaban karin xilka uu xalay u magacaabay madaxweyne Silaanyo isla markaana uu ka cudurtaay.