War-deg deg Ah”Laba Xubnood Oo Xilalkii uu Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Iska Casilay
December 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Laba Xubnood oo ka mid ahaa Xubnihii uu caawa Madaxweynaha Somaliland Xilalka u magacaabay ayaa ka cudur-daartay, kadib markii ay sheegeen inaan wax la tashiya lagala samayn Xilalkii uu Madaxweyne Siilaanyo u igmadday.
Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), oo goor-dhawayd uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo u magacaabay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa ka cudurdaartay Xilka badhasaabnimada, waxaannu sheegay inaanu ku qanacsanayn talaabaddaas.
Dhinaca kale, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi oo isaganna loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa la sheegay innuu ka cudur-daartay xilkaas uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay.Mudane Tiimbaro oo khadka telefoonka ugu waramaayay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com, waxa uu sheegay inaan lagala tashan Xilka badhasaabnimada gobolka Maroodi-jeex, sidaa awgeedna waxa uu sheegay inaanu wakhti xaadirkan diyaar u ahayn jagaddaas.