Baarlamaanka Puntland Oo Fashiliyey Xeer Golaha Wasiirrada Maaamulkaasi Ansixiyeen Oo Somaliland Laga Xaday
December 5, 2016 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntalnd, ayaa diiday Warbixin ka hadlaysay Qorsheynta magaalooyinka oo dhawaan uu u gudbisey Wasiirka hawlaha guud ee Maamulkaasi, ka dib markii la ogaaday in gebi ahaanba laga minguuriyey Xeerka Qorsheynta Magaalooyinka oo Jamhuuriyadda Somaliland u diyaarisay Shacabkeeda.
Warbixinta Baarlamaanka Puntland qaaddeceen, ayaa la sheegay inay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedkaasi, waxaana ka muuqday Xeerkaas gobollada Somaliland qaarkood, sida lagu sheegay Warbixin mareegta Garoowe Online baahisay.