berberatoday.com
Baarlamaanka Puntland Oo Fashiliyey Xeer Golaha Wasiirrada Maaamulkaasi Ansixiyeen Oo Somaliland Laga Xaday
December 5, 2016 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntalnd, ayaa diiday Warbixin ka hadlaysay Qorsheynta magaalooyinka oo dhawaan uu u gudbisey Wasiirka hawlaha guud ee Maamulkaasi, ka dib markii la ogaaday in gebi ahaanba laga minguuriyey Xeerka Qorsheynta Magaalooyinka oo Jamhuuriyadda Somaliland u diyaarisay Shacabkeeda.

Warbixinta Baarlamaanka Puntland qaaddeceen, ayaa la sheegay inay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedkaasi, waxaana ka muuqday Xeerkaas gobollada Somaliland qaarkood, sida lagu sheegay Warbixin mareegta Garoowe Online baahisay.

“Xildhibaannada layaab ayey ku noqotay in Wasiir Cabdirashiid Xirsi Maxamed ku guul-darraysto inuu soo gudbiyo Cilmi-baadhis dhammaytiran oo lagu qiimaynayo deegaannada Puntland. Laakiin, waa nasiib-darro in Puntland oo la dhisay 18 sannadood horteed soo minguursato Qorshahii Somaliland, kana muuqdaan gobolladeedu.” Sidaa waxaa Shabakadda Garoowe online u sheegay Xildhibaan ay sheegtay inuu ka gaabsaday baahinta Magiciisa.

Warbixintan oo loogu magac-daray ‘Qorsheynta Magaalooyinka’ ayaa Xeerka boggiisa 9-aad u qoran yahay; “Guddiga Qaran ee Qorsheynta magaalooyinku iyo Badhasaabbada gobolladu waxay masuul ka yihiin Qorshayaasha lixda gobol, Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Awdal, Sool iyo Saaxil. Waxay sidoo kale dib-u-eegis ku samayn karaan tobankii sannadoodba mar’.

Soo shaacbaxa fadeexaddan, ayaa doodo ka dhex abuurtay Baarlamaanka Puntland oo Xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen in Mooshin ka dhan ah Wasiirka Hawlaha Guud la keeno Golaha, halka qaar kale eedaha saarayaan Golaha Wasiirrada Puntland oo ay sheegeen inay soo ansixiyeen Xeer aanay soo hubin waxa uu ka kooban yahay, sida ay baahisay Garoowe online.

Waxaanay Shabakaddu intaas ku dartay in tallaabadani Fadeexad ku tahay Puntland oo ay sheegtay inay caado u noqotay inaanay iskuba hawlin Curinta iyo Abuuritaanka Xeerar cusub, balse wixii ay Xeer iyo Xeerar u baahdo Maamul-goboleedkaasi in uu intiisa ugu badan ka dheegto Xeerarka iyo Shuruucda kala duwan ee Somaliland dejisatay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews