berberatoday.com
Fadeexad lagu arkey Isku shaandheytii Siilaanyo + Xilal Warqada loo kala badaley oo la ogaadey
December 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Fadeexad Hadhaysay Liiska Isku Shaandheyntii Madaxweyne Siilaanyo Sameeyey, Xilka Agaasimaha guud ee W/arrimaha gudaha oo lagu qoray Siyaasi Cabdi Cawil Xasan oo M/weynaha looga danbeeyey Lagana Saaray Liiskaa+ Xilkii Badhasaab Tiimbaro oo isna la Sheegay in loo kala Bedelay Wasiir Qabyo-tirihii Burco oo isagga Bedel Badhasaabnimo Gobolka Maroodi-jeex lagu Keenay…Hargeysa(Berberatoday.com)-Isku Shaandheyntii 10/12/2016-ka Habeenimadii Axaddii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay, ayaa waxa soo baxaaya xoggo iyo warar sheegaaya in Liiska Masuuliyiinta Cusub ee xilalka loo Magacaabay Madaxweynaha kaddib la is-dhaafiyey oo xilalka loo kala bedalay masuuliyiinta qaar kamid ah, halka kuwo kalena la sheegay in gabi-ahaanba laga saaray Liiska Masuuliyiinta Cusub ee Isku shaandheynta ku jiray.

Sida laga soo xigtay qaar kamid ah shaqsiyaadka u dhuun-daloloola qasriga ee Madaxtooyadda Ayaa Warqadda Liiska Isku Shaandheynta, waxa laga tuuray oo Madaxweynuhu Magacaabay Xil Agaasime guud ah, kasoo loo wadday Aggaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Nin siyaasi ah oo muddo dheer xil ka naawilaayey Xukuumadda, isla markaana xagga xisbiga Kulmiye saameyn Kaadirnimo ku dhex leh oo lagu Magacaabo Cabdi Cawil Xasan, kasoo hore Madaxweyne Siilaanyo u xilka Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Kalumaysiga u Magacaabay Liiskii bilowgii Xukuumadiisa, hase-yeeshee muddo kaddib uu ka qaaday.

Siyaasi Cabdi Cawil oo ah shaqsiga la sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland u Magacaabay xilka Aggaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha, oo sida la sheegay markii War-saxaafadeedku soo baxaayey laga reebay Liiska masuuliyiinta la magacaabay ayaa lagu bedelay Aggaasime kasoo jeeda hayb ahaan Beesha Madaxweynaha, kasoo shaqaale ka ahaa Dekedda Berbera, waana masuulka xilkaas hadda loo dhiibay. Hase-yeeshee waxa guux badan dhaliyey masuulkaa xil kii loo magacaabay hawada dhexe lagaga saaray warqadda isku dhaandheynta Md. Cabdi Cawil Xasan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda degmada Bu’laxaar ee Gobolka Saaxil. Masuulkan laga saaray Liiska Isku shaandheynta ayey Beesha uu kasoo jeeda xil wasiirnimo ka doonayeen Madaxweynaha mudadii ay Xukuumadiisu jirtay, balse culays haysta waxti xaadirkan Madaxweynaha oo kaga yimi dhinaca Beesha degmada Bulaxaar awgii ayaa la sheegay inuu xilka aggaasimenimo ugu magacaabay Cabdi Cawil Xasan-ka laga dhex saaray liiska isku shaandheynta. Ma jiro war rasmi ah oo arrintan kasoo baxay, hase-ahaatee Warar looga qaateen ah ayaa intaa ku daray in uu arrinta si weyn uga xanaaqay Cabdi Cawil Xasan oo isaggu hore usii ogga in loo magacaabayo, waxanay xogguhu intaa ku dareen in ilaa shalay shaqsiyaad iskugu jira xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin xilalka haya xukuumaddu Muslaxaad iskaga gala bixinayaan Cabdi Cawil Xasan oo si weyn uga cadhooday arrinkaa lagula kacay.

Dhinaca kale, Masuuliyiinta xilalkooda la is-dhaafiyey ayey wararku sheegeen inuu kamid ahaa Badhasaabkii ganafka ku dhuftay xilka badhasaabnimo ee Mr. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) kasoo sida xoggaha lagu sheegay uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo u Magacaabay Wasiirka Qorsheynta qaranka, hase-yeeshee gacan la sheegay inay Madaxweynaha uga danbeysay xilalka u kala bedeshay Badhasaabkii hore ee Magaaladda Burco Md. Maxamed Ibraahin (Qabo) oo isagga la sheegay inuu Madaxweynuhu u bedal badhasaabnimo gobolka Maroodi-jeex ka dhigay, balse gacmo la sheegay inay Madaxweynaha ka tijaabiyaan ay u bedelay Wasiirka qorsheynta, halka masuulkii xilkaas wasiirnimo loo magacaabayna la geeyey Badhasaabkii loo Magacaabay Md. Maxamed Ibraahin (Qabo) oo ahaa badhasaab laga soo bedelay gobolka Togdheer. Is-waydaarinta labadaas masuul ayaa la sheegay inay sababtay inuu Badhasaab Tiimbaro oo isaggu ogga xilka loo magacaabay ee wasiirnimo markii danbe u diiday inuu qabto xilka badhasaabnimo ee kusoo baxay Liiska Isku shaandheynta.

Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa hadii ay dhab yihiin waxa ay Fadeexad iyo ceeb aan aduunka ka dhicin ku noqon doonaan Madaxweynaha Somaliland iyo qarsiga Madaxtooyadda, iyadoo aanay weli xukuumadihii iskaga kala danbeeyey Somaliland madaxweyne aan laga daba bedelin masuul u magacaabay, balse hadii Wararkan iyo xoggahan dibeda uga soo baxay Madaxtooyadda ay faafinayaan shaqsiyaad rabi-taankooda laga hor yimi waxa ay noqon doontaa shaqo uu madaxweynuhu waajibkiisa ka gutay. Sidoo kalena guud ahaan marka aad eegto isku shaandheyntan waxa ay gor-feyaasha siyaasaddu ku tilmaameen inay ahayd mid aan taageero usoo jiiday Xisbiga iyo Xukuumadda-ba, maadaama oo aanay dadka la magacaabay ahayn kuwo saameyn ku dhex leh Beelaha ay kasoo jeedan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews