Garabka Haweenka Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani Oo La Sheegay Inuu Khilaaf Hadheeyay Iyo Haween Gacanta Isula Tagay
December 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Garabka haweenka xisbiga Waddani, ayaa waxa ka dhex-taagan khilaaf xoogan oo u kala qaybiyey laba garab, isla markaana waxa la sheegay in qaar ka mid ah gacanta isula tageen oo lagu kala guntaday, iyagoo ku sugan xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Goob joogayaal ka gaabsaday in magacooda la shaaciyey oo ka cudur-daartay sababo la xidhiidha saameyn ku timaada, ayaa wakaalada wararka ee Baraarugnews.com u sheegay in sababta keentay khilaafka garabka haweenka xisbiga Waddani ay tahay markii hawlihii shaqo ee xisbiga ka dhex socday madaxa iskaga wada duumeen xubno dumar ah oo isku qoys yihiin Murashaxa xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Warku wuxuu intaa ku darayaa in arrintii markii haweenka xisbigu isku qabsadeen awoodaha maamulka iyo hogaanka garabka ay u kala jabeen qabiilo oo koox koox isu-badelay khilaafka labada dhinac ah. “Indhaweyd-ba garabka haweenka xisbiga Waddani waxa ka dhex aloosnaa khilaaf xoogan, markaa walaal shalay, anagoo ku sugan xarunta xisbiga Waddani ee Hargeysa ayaa waxa dhacday in laba gabdhood oo ka mid ah guruubyada khilaafku ka dhex-taagan yahay inay iskula boodeen oo ay gacanta isa saareen, ka dib dadkii joogay xarunta ayaa kala qabtay oo meeshii xaruntuba waxay isu-badeshay dagaal.”Sidaa ayuu yidhi goob-jooge ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo sababa la xidhiidha saameyn ku timaada naftiisa.