berberatoday.com
Khatarta Caafimaad Ee Cuntada Lagu Kariyo Bacda Alamuuniyaamta Ah Ama Weel Ka Samaysan Maadaddan
December 5, 2016 - Written by Berbera Today

Qaahira(Berberatoday.com)-)- Saynisyahanno ku xeeldheer caafimaadka, cuntada iyo caafimaadka guud ee bulshada ayaa soo saaray digiin adag oo ay kaga digayaan in cuntada lagu kariyo ama muddo lagu kaydsado bacda adag ee Alamuniyaamta. In cuntada lagu kariyo Almamuunniyaam muddooyinkii u dambeeyey ayaa ay sii badanaysay dunida oo dhan, gaar ahaan hudheelada iyo goobaha cuntada lagu sameeyo oo aad ugu adeesada samaynta noocyo gaar ah oo ka mid ah cuntada. Sidoo kale waxa ay hudheelladani Alamuuniyaamta u adeegsadaan daboolidda cuntada meel ka durusgan loo qaadayo.

 

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Caynu-Shams ee dalka Masar ayaa sheegay in cuntada oo la kariyo iyada oo ku duuban Alamuuniyaam ama in hilibka oo Alamuuniyaam ku duuban foornada (Furinka) la geliyo si loo moofeeyaa ay khatar ku tahay caafimaadka guud, waxaa iyaduna la mid ah cuntada oo lagu dhigo muddo iyada oo ku duuban.

War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Dr. Qaadah Basiyuuni oo ka tirsan jaamacadda Caynu Shams ay sheegtay in maaddooyin ku jira Alamuuniyaamta samayskeedu ay sun isu beddelaan haddii dabka ama furinka lagu gubo, kadibna maaddooyinkaas sunta noqday waxa ay u milmayaan cuntada ku jirtay, taas oo halis caafimaad keenaysa.

Dr. Bisiyooni waxa ay intaas ku sii dartay in marka aad cuntada lagu kariyo weel alamuuniyaam ah, ama cuntada oo ku duuban ama ay ku daboolan tahay Alamuuniyaam la karinayo marka heer kulku uu meel sare gaadho ay keenayso sumowgan.

Dhinaca kalaa ururka caafimaadka adduunka ayaa sheegay in Alamuunniyaamta xaddigeeda aaminka ay tahay in jidhku iska xejin karo iyada oo aan caafimaadka waxba yeelin ay tahay ugu badnaan marka alamuunniyaamta jidhka gashay ay noqonayso in 40 kiraamba ay ku hagaagaan hal kiiloogiraam, taas oo macnaheedu yahay in qofka 60 kg miisaankiisu yahay in aanu jidhkiisu u adkaysan karin wax ka badan 2400 oo giraam oo alamuuiyaam ah.

Waxaa xusid mudan in weelka caadiga ah ee cuntada lagu karsado qaarkii uu ka samaysan yahay macdanta Alamuuiyaamta ee ay khubarada caafimaadku ka  digayaan, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in marka laga tago bacda lagu duubo ee Alamuuniyaamta ah, sidoo kalena loo baahan yahay in laga taxaddaro weelka kaba samaysan maadaddan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews