berberatoday.com
Maleeshiyaad Ka Goostay Kooxda Khaatumo Oo Dedaal Ugu Jira Siday Isku Muujin Lahaayeen
December 5, 2016 - Written by Berbera Today

Sool(Berberatoday.com)-Maleeshiyaad dhawaan ka goostay Kooxda Khaatumo ee Wada-hadallada kula jirta Xukuumadda Somaliland, ayaa bilaabay inay Hadallo borobagaando ah ku baahiyaan Warbaahinta taageerta.

Kooxdan oo uu Hoggaamiyo Nin lagu Magacaabo Faysal Maxamed Xasan (Falaalug) oo hore uga mid ahaa Kooxda Cali Khaliif Hoggaamiyo, ayaa Warbaahinta Internet-ka ee taageerta ka sheegay in Maleeshiyaadkiisu weerarro ku qaadeen Saldhigyada Ciidammada Qaranka Somaliland ku leeyihiin Agagaarka Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, isla-markaana ay khasaare gaadhsiiyeen.

“Habeen hore Ciidamadu (Maleeshiyaadkayagu) waxay galeen Xeryaha (Ciidammada Somaliland) ee Agagaarka Laasaanood, gaar ahaan Qaybta Koonfureed, waxyeelana way u geysteen.”ayuu yidhi, Mr. Falaalug, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey siduu u arko Wada-hadallada Kooxdii uu ka goostay ee Cali Khaliif kula jiraan Xukuumadda Somaliland, “Aniga iyo Rag ila mid ahi waanu diidanay Wada-hadalka Somaliland, ee qolada Khaatumo Qalinkooda ha wataan, qolada aan ka mid ahayna qoriga way sidanayaan.”

Inkasta oo Falaalug sheeganayo in Maleeshiyaadkiisu Weerarro ku qaadeen Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Gobolka Sool, ma jiraan Warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegadiisa.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews