berberatoday.com
QANDALA: Dagaal U Dhexeeya Puntland Iyo Daacish Oo Bilaabay Iyo Khasaaraha Iska Hor-imaadkii Shalay
December 5, 2016 - Written by Berbera Today
Qandala(Berberatoday.com)-Dagaal u dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Xoogagga ka tirsan Ururka Daacish, ayaa Shalay ka dhacay Deegaan 53-km u jira Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo lagu Magacaabo Basaasi, Dagaalkaas oo khasaare ay ka dhasheen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo)
Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland oo la Hadlayay VOA-da, ayaa sheegay in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay lala beegsaday gaadhi ay wateen Ciidamada uu Hoggaaminayay oo ku socday degmada Qandala, ayna ka dhaawacmeen saddex askari, balse dagaal dhacay qaraxa kaddib ay ku dileen Toddoba ka mid ah xoogaggii Daacish ee ay Dagaallameen.
“Dagaalku wuxuu ka dhacay Basaasi oo 53-km u jirta degmada Qandala oo aan u soconnay, waxaana ciidamadayadu loo dhigay Qarax, saddex askari ayaa nagaga dhaawacmay. Qaraxa kaddib iska-horimaad ayaa dhacay waxaanuna ku dilnay toddoba ka mid ah Daacish,” ayuu yidhi Guddoomiye Wacays.
Sidoo kale, Guddoomiyaha oo la Weydiiyay inay Ajaanib ku jireen dadka ay sheegeen inay Dagaalkii dhacay ku dileen, ayaa ku jawaabay inaanu ku Arag wax Ajaanib ah oo dhammaantood ay ahaayeen Soomaali.
Waxaa kale oo Guddoomyaha la weydiiyay qorshahooda ku aaddan haddii ay la wareegaan degmada Qandala ayaa ku jawaabay. “Waxaa noo Qorsheysan in Dadkii ku noolaa aan dib ugu xoreyno oo ay dib ugu soo laabtaan deegaankooda, kooxaha ka tirsan Daacish ee naga baxsadana aan daba-galno.”
Guddoomiye Wacays oo la weydiiyay halka ay kasoo duuleen xoogagii ISIS ka tirsanaa ee ay Shalay Dagaallameen, ayaa sheegay in ay yihiin kooxo ka goostay Al-shabaab, mudana at la socdeen Dhaq-dhaqaaqooda, wuxuuna ku daray hadalkiisa inayna ahayn koox awood leh.
“Qorshaheenu waa inaan 24-ka saac ee soo socda la wareegno degmada Qandala, Waxaana doonaynaa inaan awoodda kooxda wiiqno, waayo degmada Qandala oo la xoreeyo ma ahan hadafkayaga” ayuu ku daray Guddoomiyaha Gobolka Bari oo Hoggaaminayay Ciidamada Puntland ee ku waajahan Degmada Qandala.
Dhanka kale, ma jiro hadal ku saabsan Dagaalkaan khasaaraha dhaliyay ee Puntland ay ka Sheegatay Guusha oo kasoo baxay Dhanka Ururka Daacish ee Gacanta ku haya Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Ugu dambeyn, Xoogagga taabacsan Daacish ee ku sugan deegaano ka tirsan Puntland, ayaa Daba-yaaqadii Bishii Oktoobar ee Sannadkan la Wareegay Degmada Qandala ee Gobolka Bari, iyagoo tan iyo muddadaas gacanta ku hayay degmadaas, inkastoo haatan ay degmada ku sii dhawaanayaan Ciidammo kala duwan oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.
Berberatoday.com
COMMENTS
|