berberatoday.com
Somaliland Oo ka Digtay In Lagu Xidhiidhiyo Doorashooyinka Soomaaliya Iyo Nuxurka Qoraal Loo Kala Diray Safaaradaha & Hay’adaha Dalka Ku Sugan
December 5, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxa caawin kara Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka waa in bulshada caalamku qiraan inaan Somaliland qayb ahayn Federaalka..” W.Arrimaha Dibadda

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa si adag u beenisay inay qeyb ka tahay nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo uu maalmahan baahinayey Xafiiska Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Micheal Keating, waxayna ka digtay Dawladda Somaliland inaan la abuurin colaado iyo qalalaase gaadha gobolka Geeska Afrika iyo Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Shalay soo saaray qoraal digniin ah oo uu ku socodsiiyey xafiisyada safaaradaha iyo Hay’adaha dalka jooga dhamaantood, ayuu ku sheegay in warbixinaha lagu faafiyey baraha bulshadu ku kulanto aanay beddeli Karin xaqaa’iqa gudaha Somaliland ka jira.

Qoraalka Wasiir Sacad oo soo baxay ka dib markii labadii maalmood ugu dambeeyey xafiiska Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Micheal Keating faafinayeen warbixin ay ku dhiirigelinayeen hanaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo abuuritaanka baarlamaanka iyo Aqalka sare ee Federaalku u socdaan, isla markaana ku sheegeen in Somaliland qeyb ka tahay, ayuu Wasiirku ku sheegay sidan, “Waxa maalmahan lagu baahiyey Warbaahinta, gaar ahaan baraha bulshada ku kulmaan, in Somaliland qeyb ka tahay nidaamka lagu samaynayo Baarlamaan Federaal iyo Aqal sare Soomaaliya yeelato. Taasi, xaqiiqdii waa mid runta ka fog. Somaliland waa dal madaxbanaan oo Dunidu laga aqoonsan yahay, ama ku socda, oon qeyb ka ahayn geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, Waayo? Somaliland waxay ka baxday midnimadii 25 sannadood horteed.”

Dr. Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay bulshada caalamka inay aqbasho xaqiiqada dhabta ah, oo ay qiraan inaan Somaliland qeyb ka ahayn qaab-dhismeedka Federaalka Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Xaqiiqada in dadka ka soo jeedo Somaliland jagooyinka ka qabteen dawladda Federaalka, macnaheedu maaha in ay matalaan Somaliland. taageerida iyo buunbuuninta fikirkaasi ma caawin doono Soomaaliya, Somaliland ama gobolka. sheegashadaasi waxa laga yaabaa inay u wanaagsan tahay dhamaystirka Warbixinada shaqsiyaad ama waajibaad hay’adeed, laakiin waxay abuuraysaa colaado iyo masiibooyin gaadha gobolka iyo meelo ka baxsan.”

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa kale oo uu qoraalkiisa uu u gudbiyey Safaaradaha iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ku sugan ku sheegay, “Waxa caawin kara Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka waa in bulshada caalamku aqbasho xaqiiqada dhabta ah ee dhulka, oo ay qiraan inaan Somaliland qayb ahayn qaab-dhismeedka Federaalka, taageeraan doorashooyinka dimuqraadigga dhabta ah ee Somaliland, kaalina ku yeeshaan wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews