Dhakhaatiirta Kenya Oo Shaqo-joojin Sameeyay iyo Saamaynta Ay Yeelatay
December 6, 2016 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Dhakhaatiirta dalka Kenya, ayaa Maanta billaabay shaqo joojin ay ku dalbanayaan mushahar kordhin, taas oo qeyb ka ahayd heshiis ay dowladda la galeen seddex sano ka hor.
Shaqo joojinta ayaa curyaamisay in ka badan 2000 oo xarumo caafimaad oo dowladda Kenya ay maamusho.
Waxay sidoo kale dhakhaatiirta dalbanayaan in shaqaale badan la qoro si culeyska uu uga yaraado shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda.
Dowladda ayaa shaqo joojinta ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, maaddaama maxkamad ay amartay in dib loo dhigo illaa dhammaadka bishan si labada dhinac ay u wada hadlaan.