berberatoday.com
Qurbe Jooga Beesha Aborkor Ciise Ee Gobolka Saaxil Oo Madaxweyne Silaanyo Ku Dhaliiley Inuu Duudsiiyey Saamigii Ay Qaranka Ku lahayeen. L
December 6, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Qurba Joogta Beesha Abokor Abokor Ciise/Ciise Muuse Gobolka Saaxil ee ku dhaqan dalka Uk ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ka Codsatay inuu Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse u mgacaabo Xil wasiirnimo, sidoo kalena waxa ay Madaxweynaha dib u xasuusiyeen in Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse weligeedba Xukuumadihii Somaliland soo maray ayay ku lahaayeen xil wasiirnimo, balse aanay weli Xukuumadan ka helin. Waxa kale oo ay qurba joogtaasi Madaxweyne Siilaanyo ka Codsatay inuu is daba qabateeyo oo Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse u magacaabo Xilkoodii wasiirnimo ee kaga baaqday Xukuumadiisa.
silaanyo
Haddaba War-saxafadeed ay soo saareen qurba joogtaasi ayaa u dhigan sidan.

“War-saxafadeed: Anigoo ah qurba-joogta Gobolka Saaxil ee Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse ee ku dhaqan dalka Uk, Mudane, Madaxweyne sharaf iyo karaamo ayaad naga mudan tahay marka koobad, marka labaadna waxaan doonaya inaan ku xasuusiyo xuquuq Xukuumadaada kaga maqan Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse. Xuquuqdaas oo ah mid saami qaybsi, maadaama oo xilkooddii wasiirnimo aanay ka haynin mudada todoba sanadood ku dhow ee aad xilka Madaxweynenimada Somaliland haysay. isla markaana Wasiirkii Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse xaqa u lahayd oo dawladihii soo maray Somaliland iyo kuwii Soomaliya-ba Beeshaas u magacaabi-jirtay aanay weli ka qaban Xukuumadaada, xilkaasina fulintiisa hadda iyo mid hore adiga Xukumadaada lagaaga fadhiyo.

Md. Madaxweyne waxaan ku xasuusinayaa in Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse tahay Beel gaar ah, isla markaana kamid tahay Beelaha Ciise Muuse, Hase-yeeshee ay kugu leeyihiin inaad Mansabyada ama Xilalka Xukuumadaada ee golaha wasiiradda aanay ka haynin haba yaratee hal Kursi Mudadii aad xilka haysay. Iyagoo xaq kugu lehna ay intaas ka dhur-sugaayeen inaad garato xuquuqda Xukuumadaada kaga maqan Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse oo iyaddu dhamaan Xukuumadihii soo maray Somaliland ku lahaa Mansabyo wasiirnimo iyo xilal kale oo mu’hiim ah.

Mudane, Madaxweyne mudadii Xukuumadaadu jirtay waxa aad sameysay xilliyo badan Magacaabisyo kala duwan oo golaha wasiiradda ah. Hase-yeeshee nasiib darro qalinkaagu muu qaban xil wasiirnimo oo aad Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse u magacawdo, sidii Madaxweyne-yaashii adiga ka horreyey beeshaas saamigeeda wasiirnimo u siin jireen.
Waxana iga xasuusin ah in xilka ay xaqa u leedahay Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse ee wasiirnimo Xukuumadaada oo keliya kaga maqan yahay dhamaan Xukuumadihii soo maray Somaliland, iyadoo Xukuumadihii hore aanay gor-gortan gelin mansabka wasiirnimo ee Beeshaas, isla markaana xukuumad kastaaba xilka wasiirnimo ee Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse u magacaabi jirtay oo uu ahaa lama taabtaan.
Guntii iyo gabo-gabadii, Madaxweyne waxaan kugu waaninaynaa inaad ku dhiirato oo Beesha Abokor Ciise/Ciise Muuse u Magacawdo xilkoodii wasiirnimo ee Xukuumadaada kaga maqan, Ilahay-na xaqa haku waafajiyo Madaxweyne adiga iyo umada aad masuulka ka tahay.
Wa Bilahi Tawfiiq
1: Faysa Cawil Xasan Uk
2: Abdirahman Muhamed.
3: Nimco Biixi
4: Sharmarke Ahmed
5: Foosoya Mohamamed

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews