berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal Iisaanka (HRC) Oo Ka Hadlay Xadhigga Ugaas Xukuumaddu Burco Ka Soo Qabatay Oo Hargeysa Ku Xidhan
December 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland (HRC), ayaa ka hadlay Xadhigga Ugaas Ciidammada Booliisku bishii hore ka soo xidheen Magaalada Burco isla-markaana muddo bil ku dhow xukun la’aan ugu xidhan Hargeysa.

Warka UgaaskaWar-saxaafadeed uu sheegay Hargeysa ka soo saaray Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) isla-markaana Ciwaan looga dhigay “Xadhiga Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye waa sharci darro” ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan, “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa haynta sharci darada ah ee Booliiska Somaliand ay ku hayaan Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye.

Ugaas Cabdiraxmaan waxa lagu xidhay Burco 3dii November 2016 iyada oo aan amar garsoore loo haysan. Laguma horgayn maxkamadda mudadii sharcigu dhigay ee 48 saacadood ahayd. Qodobka 27aad ee dastuurku wuxuu dhigayaa “Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay”.

Ugaaska waxa loo soo wareejiyay Hargeysa halkaas oo 12kii November la horgeeyey Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa oo rumaan garaysay afar cisho. Markii afartii cisho dhamaadeen waxa la horkeenay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka oo amar ku bixiyay in xorriyaddiisa loo soo celiyo. Balse booliisku waxaay ku celiyeen saldhiggii.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay Ugaaska mar kale laba cisho rumaan garaysay 29kii November iyada oo amartay in xorriyaddiisa loo celiyo haddii aan mudadaas gudeheeda lagu keeni waxa lagu haysto. Dib looguma soo celin garsoorka iyada oo ay dhaaftay mudadii garsooruhu cayimay.

3-dii December ayaa Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Gobolka Hargeysa uu ku amray booliiska inay xorriyadiisa u soo celiyaan Ugaaska. Balse booliisku wuxuu ku celiyay saldhigga.

Ma jirto hadda amar garsoore oo xalaaleeyey haynta Ugaas Cabdiraxmaan oo ku xidhan sifo ka soo horjeedda sharciga Somaliland. Ugaaska waxa la xidhay kadib markii uu ka qayb galay shir uu kaga dhawaaqay inuu ku biiray xisbi siyaasadeed mucaarad ah. Dastuurka Somaliland wuxuu u damaanad qaaday muwaadiniinta inay xor u yihiin afkaarohooda siyaasadeed.

Xaruntu waxaay walaac ka qabtaa awoodda aan sharciga ahayn ee booliisku uu ku diidi karo amarrada garsoorka uuna ku hayn karo qof aanu hayntiisa jideyn garsoore.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsanaysaa booliiska Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiyaan Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye iyo inay ixtiraamaan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews