berberatoday.com
Dawlada Sucuudiga Oo Saldhig Militari Ka Furan Doonta Mid Ka Mid Ah Dalalka Bariga Africa
December 7, 2016 - Written by Berbera Today

Riyaadh(Berberatoday.com)-Dawladda Sacuudiga ayaa noqon doonta dalkii u dambeeyay ee saldhig militari ka samaysta Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa wargays Sacuudiga ka soo baxa u sheegay in labada dal ay ka heshiiyeen arrintaas, isla markaana ay dhawaan shaacin doonaaan.

 

 

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Faransiiska ayaa hadda saldhigyo ku leh dalka Jabuuti, dakadda dalkaasna waxaa isticmaala ciidammada badda ee dhawr dal oo kale.

Shiinaha ayaa sidoo kale halkaas ka dhisanaya saldhig Milatari.

Dawladda Jabuuti waxay sheegtay in ay Sacuudiga uu soo bandhigtay in ay saldhiga milatariga ka dhisato dhanka xeebta.

Labada dal ayaa isu soo dhawaanayay sannadihii u dambeeyay, iyaga oo dhistay iskaashi xoog badan oo kala ah dhanka ammaanka , mid siyaaasadeed iyo mid dhaqaale.

Bishii koobaad ee sanadkanna Jabuuti waxay cilaaqaadkii diblomaasiyadda u jartay dawladda Iiraan, iyada oo taageero u muujinaysa boqortooyada, labo billood ka dibna Sacuudigu wuxuu meel mariyay heshiis aan dhamaystirnayn oo ku saabsan iskaashi milatari oo ay Jabuuti la yeeshaan kaas oo uu ka mid yahay in ay saldhig ka samaystaan gudaha Jabuuti.

Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan sheegay in uusan wax dhib ah u arkin in dalkiisu uu martigaliyo ciidamo kala duwan oo ka socda dalal awood badan, xataa haba noqdaan kuwo iska soo hor jeedee, sababtana waxa uu ku sheegay in dalalkaasi ay leeyihiin ujeeddo midaysan oo ku aadan la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeedda.

Dalal badan oo doonaya in ay saldhigyo milatari ka samaystaan dalkooda meel ka baxsan ayaa door bida dalkan yar ee Jabuuti oo ah mid ammaan ah, balse ku yaalla gobol aan xasilloonayn, Soomaaliya iyo Yemen oo ay daris yihiin ayayna ka jiraan colaaddo.

Sacuudiga ayaana hogaaminaya xulafo gacanta kula jirta colaadda sokeeye ee Yemen, in ay gudaha Jabuuti uu milatari ka joogana hawlgalkaas ayaa ka faaiidaya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews