berberatoday.com
Dimuqraadiyadii Curdinka Ahayd Ee Xisbiyada Somaliland Oo Adhaxda Ka Jabtay Iyo Tartankii Xisbiyada Siyaasada Ee Xod Xodashada Shacabka Laga Doonaayay Oo Qabyaalada Cad Isku Rogay,
December 7, 2016 - Written by Berbera Today

banner112348155_1083124408385655_6314045428972497276_n

 

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dimuqraadiyadii Curdinka Ahayd e Xisbiyada Somaliland oo Adhaxda Ka Jabtay iyo Tartankii Xisbiyada e Xod Xodashada Shacabka o qabyaalada isku Rogay,

Tan iyo Intii Siyaasada  Dimuqraadiayda Fur Furan e Tartanka Asxaabta Siyaasiga Somaliland Qaadatay  Maanta waxay Maraysa Meeshii Ugu Hoosayasay,

Somaliland Waxay Hore Usoo gashay Doorashooyin Kala Duwan Sadex Jeer oo Loo tartamay Kursiga Madaxwayne Nimo, halmar o Baarlamank Ahaa iyo Labo Jeer o Golayaasha Degaanka Ahaa,

Labada Jeer e tartanka Madaxtimo e Madaxtooyada waxaa wada galay Madaxwaynihii Hore Daahair rayaale Kaahin iyo Madaxwaynaha hada talada Somaliland haya e Axmed Siilaanyo iyo Faysala Cali waraabe o Labada Jeerba Musharax u Ahaa Xisbiga UCID,

Doorashooyinkaasi waxay Ku Dhaceen Sidii Ugu Wanagsanayd Markaad Eegto Siyasada Xisbiyadu ku Shaqaynayeen o Ahayd in Aysoo bandhigaan waxay Doonayaan in ay Dalkan Ku Maamulaan,

Hadaba Maanta Muxuu Yahay Olalahooda Koowaad, Wuxuu Noqday Qabyaalad  In Ay ku Olaleeyaan  Masuuliyiintii Hogaaminaysay Xisbiyadu,

Kolay Sida Cad Tartanku Wuxuu u Dhexeeyaa Labada Nin e Kala Ah Muuse Biixi Cabdi o Gudoomiye u ah Xisbiga KULMIYE iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ,Ninka Sadexaac Waa Faysal o Sharciguba Aanu u Banaynaynin in u Musharax Noqdo Mar Sadexaad, Waana Halka Baqdinta Wayn ku Ah Qarankan,

Maxaad Ka Ogtahay waxyaabaha ay kala Aaminsan Yihiin Labadan Musharax ee  Kala Hogaaminaya Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye

Muuse Biixi Wuxuu Aaminsanyahay in U Dalkan Usoo Halgamay  Maantana Xaq uu u Leeyahay in La Doorto, Waxa Kale oo uu Aaminsanyahay Naftiisana uu Ku qanciyay in uu Hogaaminkaro Dalkan,

Xaga Codadka Doorashadana Wuxuu Aaminsanyahay Hadii uu Helo Habar Awal Codkeeda in uu Ku Guulaysandoono Madaxtinada Dalka,

Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu  Aaminsan Yahay in Jaaniskan uu Isagu Leeyahay Dalkana uu Madxawyne Ka Noqon Karo, Waayo Wuxuu  Naftiisa u Sheegay Maadaama uu 13 Sanadood Gudoomiye u Ahaa Baarlamaanka Somaliland  uu Xilkan Qaban Karo,

Waxa Kale oo uu Maanka ku Haystaa in Doorashada  Madaxwayne nimo Ay Reer Ahaan Kalkoodii Tahay

Habar Awal Way qabteen Kursigan, Habar Jeclo  way Qabteen Samaroona way qabteen, Harti Diyaar Uma Aha In Ay Kursigan Ku tartamaan, Markaa Ciro Wuxuu Taagan yahay Waa kalkayagii Garxajis,

Allaw Sahal Amuuraha

Shacabka Somaliland Waa Shacab Wanaagsan oDawladnimada Jecel Laakiin Ragii wax u Bartay e Siyaasada caalamka Ku Hogaamin Lahaa Ayaa Qabyaalad Ku Olalaynaya Waana  Nasiib Daro,

Manata Raga Nadiifta ah e Odarasa Siyaasada Somaliland Waxay Farta Ku Fiiqeen Doorashada Inagu Soo Socota oo Ay Wel Wel Badan Ka Muujiyeen Sababta Ayaanay Ku Tilmaameen  Labada Nin e Tartanku Ka Dhexeeyo o Mabda,oodu Adag Yahay in Kastoo Arimaha Qaarkood Ku Kala Duwan Yihii,

Tusaale Hadii Cabdiraxmaan Cirro Hello Muxuu Muuse Biixi Yeealayaa Hadiise Muuse Loogu Dhawaaqo Cabdiraxmaan Muxuu Yeelayaa, Aragtiyo Badan Ayaan Kasoo Ururiyay Qaybaha Kala Duwan e  Reer Somaliland e u Dhuun Daloola Xaalada Waaqiciga ah e Somaliland Ku Sugantahay,

Muuse Waa Nin Ad u  Adag Hadii Lagu Dhawaaqo in uu Cabdiraxmaan Ciro Helay Horta Kow Wuu Diidi Doonaa, Waanu Qaadici Doonaa Doorashadaa, Waxaanu ku Tilmaami doonaa mid La Mus Maasuqay ,Mudo Bila Amaanka Ayaa La Adkayn Wax Rabshado ah o Dhacayaana Ma Jirayaan, Marka Laga Reebo Qaylada TV yada iyo Warbaahinta Kaleba Qorayaan, Aakhirkana Wuu Aqbali,

Cabdiraxmaan Ciro Sidaa Ay Faaleeyeen Rag u Dhuun Daloola Siyaasada uu Aaminsanyahay iyo Wax Iska Caabintiisa, Ma Aqbali Doono Muusaa Helay, Waxaanu Bilaabi Doonaa Siyaasad Qaboow o Afka Ah iyo Beesha Caalamka oo Baaq u Diro in Lagu Shubtay, Dalkiina Halis Ugu Jiro Dagaal Bur Buriya, Waxoogaa Rabshado ah ayaa Dhici Doona, Lagumana Guulaysan Doono in Cirro Lagu qanciyo in uuu Ogalaado Go,aanka Komishinku Ku Dhawaaqeen,

Isku Soo Duuboo Dad Badan ayaa Iyaguna Aaminsan in Maanta iyo shalay Somaliland Aanay Isku Mid Ahayn o Dad Ahaan iyo Dawlanimo Ahaanba Ay Bislaadeen, Caasimada Hargaysa Ninkii Garanaya 1995 kii  Maanta Ku Talinmaayo Xabada Rida,

 

 

Xigasho Biyoguurenews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews