berberatoday.com
Jamaal Cali Xuseen Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warka Sheegaya In Garabkii Uu Hogaaminaayay Ku Biiray Xisbiga Waddani Fariin Culusna Udiray Taageerayaashiisa
December 7, 2016 - Written by Berbera Today

jamaal-ali-hussseinHargeysa(Berberatoday.com)-aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in garabkii uu hogaamin jiray ee Xisbiga Ucid ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu Jamaal Cali Xuseen qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku sheegay in aanay garabkiisa matalin shaqsiyaad uu sheegay inay ku biireen xisbiga Waddani, waxaanu tilmaamay in gudidii uu uxil saaray wada hadalada Xisbiyada ay kala jabeen oo qaarkood ku biireen xisbiga waddani balse aanay matalin garabkii uu hogaaminaayay waxaanu Yidhi Jamaal Cali xuseen Isaga oo ugu horeyn ogaysiis udiraayay taageerayaashiisa dacalada dunida iyo dalkaba ku kala sugan”

 

“Waxaan ku war gelinayaa dhamaan taageerayaasha, bulsho weynta Somaliland in shirkii jaraa’id ee maanta la sameeyey ee la yidhi Garabkii Jamaal Cali Xuseen ayaa meel ku biiray aanu matelaynin maqifkayga, iyo garabka aan hogaaminaayo. Guddiddi aanu u igmanay wadahadaladda in ay kala jabeen; oo ay jiraan masuuliyiin ka mid ah iyo madax kale oo doonay in ay meel ku biiraan runtii may ahayn in saxaafadda ka sheegaan arrin aan laysla ogeyn. Dadku waa kala fikrad, xorna way u yihiin, dadkii aanu soo wada shaqaynayna xaq bay u leeyihiin in ay ku biiraan meesha ay rabaan. Maadaama ay gudiddii wadahadaladu ay kala jabeen, waa inaan anigu go’aan qaataa. Haddaba aniga Jamaal ahaan halka aan u hogaaminaayo taageerayaashayeena waxaan soo sheegi doonaa ayaamahan soo socda inshallah. Laakiin way jiri karaan shakhsiyaad garabkayagii ka mid ah oo sugi kari waayey oo iyagu jeclaystay in ay meel ku biiraan sida dhacday maanta. HADDABA ILAA IMIKA MEEL AANU KU BIIRNAY MA JIRTO GARAB AHAAN. Inshallah waa inoo iyo ayaamaha soo socda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews