berberatoday.com
Safaarad Foojari Ah Oo Mudo 10 Sano Ah Ka Shaqaynaysay Dal Afrikaana Oo Bixin Jirtay Fiisayal Sharci Ah Hada La Ogaaday Albaabadana Loo Laabay
December 7, 2016 - Written by Berbera Today

Ghana(Berberatoday.com)-Dowlada Ghana ayaa xidhay safaarad Maraykan oo been abuur ah kadib markii ay muddo toban sano ah ka shaqeyneysay magaalada Akra ee dalka Ghana .

Safaaradan been abuurka ah ayaa mudadaas ay furneyd waxa ay bixin jirtey fiisooyin ama dalkugal sax ah oo dalka Maraykanka lagu geli karo, iyadoo dadka soo dalbanayana laga qaadayay lacag gaareysa lix kun oo dollar sjda laga soo xitey wasaarada arrimaha dibada dowlada Maraykanka.

Xarunta safaaradan ayaa ka koobneyd labo dabaq ayaa waxaa saqafkeeda sare ka baban jirey ama laga arki jirey calanka dowlada Maraykanka iyadoo gudaha dhismahana uu surnaa sawirka Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

“Safaaradan ma jirin cid ka socota dowlada Maraykanka oo ka shaqeyn jirtey balse dadka ka howlgali jirey ayaa isugu jirey dad u dhashay wadanka Ghana iyo dalka Turkiga, waxaana ay ku xirneyd shabakad dambiilayaal ah oo gacan ka helayay xeer ilaaliye u dhashay dalka Ghana oo baranayay sharciyada iyo arrimaha socdaalka.”ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada dowlada Maraykanka.

Muwaadiniin Turki ah oo si wanaagsan u yaqaan luqada Englishka iyo Dutchka ayaa iska dhigi jirey inay yihiin saraakiil Maraykan ah waxaana sidoo kale baaritaano la sameynayo lagu ogaaday in safaarad been abuur ah oo dalka Holland meteleysa ay sidoo kale jirtey. Hase yeeshee warka ah in safaarada Netherland laga leeyahay ay furneyd ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Shabakadan furatay safaarada qootada qootada ah ayaa waxa ay bixin jireen fiisooyin Maraykan oo rasmi ah iyo dukumintiyo kale oo been abuur ah iyadoo dadka ka qaadi jirtey $6,000 sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka.

Dhismaha safaaradan macmalka ahayd oo ay ciidamo gudaha u galeen ayaa laga soo helay fiisooyin badan oo rasmi ah kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wadamada laga leeyahay Hindiya iyo Koofur Afrika sidoo kale waxaa laga helay baasabooro gaaraya 150 kuwaasoo toban dal oo kala duwan laga leeyahay.

Safaarada Maraykanka ee rasmiga ah ee ku taal magaalada Akra dalka Ghana ayaa ah xarun si weyn loo ilaaliyo taasoo ku taal halka la yiraahdo Cantonements oo ka mid ah xaafadaha ugu qaalisan ee magaalada Akra waxaana maalin walba lagu arkaa dad safaf dhaadheer ugu jira inay helaan fiisooyin.

Dadka ka howlgali jirey safaaradan ayaa xarumo kale waxa ay ku lahaayeen dalal ay ka mid yihiin Togo iyo Ivory Coast waxayna dadka ka soo qaadi jireen dalal badanoo ku yaal Galbeedka Afrika iyagoo dejin jirey hotelo ka agdhow safaaradooda kadibna u sameyn jirey fiisooyin rasmi ah oo lagu galo dalka Maraykanka. Illaa hadda lama oga tirada saxda ah ee dad ka qaatay fiiso safaaradan ee ku galay dalka Maraykanka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews