berberatoday.com
Siciid Sulub Waxaan Leeyahay Riyaale waxaad Ku Jebisay Dhablibaax Cirona Maanta Waxaad u Samaysay Musdanbeed Waanad Lugoynaysaa”Dhalinyarada Beesha Gudoomiye Musharax Cirro
December 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Qaar Ka mid Ah Dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Hargaysa Kana soo Jeeda Beesha Xirsi Cismaan(Habaryoonis)oo Shir Jaraaid ku Qabtay Gudaha Magaalada Hargaysa ayaa Dhaliilo Ba’an usoo jeediyay Xisbiga ay ka tirsan yihiin ee Wadani Waxaana Ay sidoo Kale Dibada Soo dhigeen Waxyaabo Huursanaa oo ka dhex Taagnaa Xisbigaasi Waxaanu Doonaynaa inaanu Ka Hadalno Arimo Huursan oo ka dhex Taagan Xisbiga Wadani Anagoo ah Dhalinyarada Beesha Xirsi Cismaan(Habaryoonis)Kuna Sugan Magaalada Hargaysa Waxaanu Dhaliilo usoo Jeedinaynaa Xisbiga Wadani,Anagoo Aragnay Goldalolooyin ka dhex Aloosan Xisbigaasi Maadaama aanu Dantayadii ku Seegnay Xisbigaasi Waxaanu Goaansanay inaanu soo bandhigno Wixii Aanu Aragnay,Waayo Xisbiga Wadani Waxaanu ku Waynay Dantayadii Iyo Tii Mustaqbalkayaga Waxaanu Aragnay in Cabdiraxmaan Cirro Noqday Murashax Shaqaalaysiiya Beeshiisa Gaar ahaana Jifadiisa Haday Noqoto Ka Basaska soo Kireeya,haday noqoto kan Xoghaynta u Ah,Haday noqoto Askarta Waardiyaha U Ah,Haday noqoto Saxaafada Ama Inamada Warbaahinta u Qaabilsan Xisbigaasi Wuxuba Waa Beesha Cabdiraxmaan Cirro Dhaliishuna waxaa ay soo fadhiisanaysaa Magacii Guud ee Beesha Waayo waxaas marka la arko Waxaa ay dadku odhanayaan Meeshii Habaryoonis ayaa Haysata oo Qabsatay Mana aha Meel Habaryoonis Haysatee Waa Meel Muuse Cabdale iyo Ciro Beeshiisa Waxaanu ku Leenahay Cirooy in badan baanu ku nidhi Arinkaasi Wax ka bedel waana aad naga qaadan wayday,Nama aadan dhagaysan waxaana keentay manta inaanu Warbaahinta kaaga sheegno Dhegaysi La’aanta aad Na Dhegaysan Wayday Mid kale Waxaan leeyahay Siciid Sulub”Siciid Suluboow dhalinyarada beesha Xirsi Cismaan Hadaanu Nahay waxaanu ku Nidhi Intaanu kuu nimi Hargaysa Garabkii Dhalinyarada Nagala Samee,Waxaad noogu Jawaabtay Dee orda oo Burco Taga,Golihii dhexe ayaanu ku nidhi Ka doon Hargaysa Hadana waxaad nagu tidhi Burco Taga Adeer Waxaanu ku leenahay dee Taasi nagama kaa qabato ,Markaanuse Hargaysa Xildhibaanka kasoo Saaraynay waad ogaydoo nalakuma odhan Orda Burco taga Shalay Waxaan ogaynay Inaad been u Sheegtay Daahir Riyaale Kaahin oo aad ku tidhi Dhablibaax ayaad ku Fadhidaa,Maantana Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaad U Samaysay Koox la dhaho Musdanbeedka Xisbiga Wadani oo ka Kooban Habaryoonis waxaanan Filayaa inay Lugooyo Tahay taasi waxaanan kusoo dhamaynayaa hadalkayga arintaasi waa midaanu ku midaysanahay Dhalinyaro ahaan hadii wax laga qaban waayona waxaanu Ka Hilaaci doonaa Xisbiyada Kale ee Noo Baahan
 

 
 
 
 
Reporter By Mohamed Aden Dirir

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews