berberatoday.com
“xisbiga Waddani Muxuu Isbedelka U Yaqaanaa, Cirro Maxaa Ka Siya, Mise Caqliga Shacabka Reer Somaliland Ayuu Cayayaa?
December 8, 2016 - Written by Berbera Today

ciro-hurdoHargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Degmada Balli-dhiig Cabdiraxmaan Axmed Foof, ayaa walaac xoogan ka muujiyey siyaasadda murashaxooda u tartamaaya doorashada Madaxweynimada ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana wuxuu sheegay in calaamatu su’aal saaran tahay waxyaabaha uu is badel u yaqaan Guddoomiyaha Waddani C/raxmaan Cirro.

Guddoomiyaha degmada Ballidhiig Cabdiraxmaan Axmed Food oo maanta khadka Telifoonka ugu waramay  Warbaahinta xafiiska ay ku leedahay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in guluf siyaasadeed oo uu ku soo qaaday Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan ay dhaawac weyn iyo saameyn ku yeelatay taageerayaashii xisbiga Waddani ku lahaa Gobolka Togdheer.“Xisbiga Waddani maanta lama odhan-karo waa xisbi mucaarid . Waayo, ragga madaxda laga wada dhigay ee Cabdiraxmaan Cirro ummadda soo hortaagay ee laga dhigay hogaanka sar-sare ee murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu ina leeyahay waxay keenayaan is badel ma rag wajiyadoodu shacabka reer Somaliland ku cusub-baa,?  Anigoo ah Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Degmada Balli-dhiig, waxaan doonayaa innaan maanta ka hadlo dareeno badan oo arragtida shacabka naga yimi, madaama aan ahey masuul ka tirsan xisbiga Waddani, ka dib markii ay nagu soo biireen Wasiiraddii ugu tunka weynaa xukuumadda Kulmiye ee uu hogaamiyo ,Madaxweyne AXMED Siilaanyo. Su’aalahaasna dadkii I waydiiyey oo ku saabsanaa siyaasadda xisbiga aan ka tirsanahay ee xisbiga Waddani, waana waajib inaanu qirno dhaliilaha iyo guul-darada siyaasadeed ee ay tilmaameen ummaddii aanu matelaynay. Immika dib-u-dhac ayaa ku yimid oo siddii hore shacabku uma taageersana xisbiga Waddane ee beesha bariga Burco.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada Ballidhiig.

Guddoomiyuhu wuxuu inta aku daray oo uu yidhi,“Waxyaabaha keenay qawadka shacabka Togdheer ee aanu matelaynay. Waxa kamid ah issbaaheysigii Wasiiraddii iska casilay xukuumadda Madaxweyne AXMED Siilaanyo ma waxaynu odhan karnaa waxay keenayaa is badel,waa arrin lala yaabo innuu waxyaabahaas la shir yimaado xisbigii mucaaridka ahaa.Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Duur, Badhasaabkii hore ee Togdheer Xamar-ji iyo xubnaha kale ee la socda dhamaantood waa raggii xukuumadda talada haysa ee Kulmiyeka tirsanaa ee shacabku ay ka caban jireen. Maantana waa ragga hogaaminaaya siyaasadda xisbiga Waddani ee shacabka ku leh is badel ayaanu keenaynaa ee codka na siiya, haddaanu nahay Waddani, markaa raggii shalay miyaaney aheyn? Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro maxaa ka siya, mise caqliga shacabka reer Somaliland ayuu cayayaa? Waxaan qoslaa oo aan naftaydu is weydiisaa su’aal ah. markaanu nidhaahno haddaanu nahay xisbiga Waddani is badel ayaanu keenaynaa. Markaa murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cirro waa su’aal furan in la weydiiyo wuxuu u yaqaan is badelka. Waxa jirta hawlihii xisbiga iyo shaqooyinkii xafiisyada dhamaan waxa madaxa iskaga duubay oo dadkii oo dhan ka cabanayaa guruub odaygu adeer u yahay oo qoyskiisa, markaa dadkii na taageersanaa wax aanu u sheegno garan mayno oo qabiil ayaa haysta xisbiga.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiig wuxuu ka hadlay siyaasad adag oo is badel ku keentay beelaha Gobolka Togdheer oo uu ka dhex-ciyaaray Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Mareexaan waxaanuu yidhi,“Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Mareexaan wuxuu ka ciyaaray Gobolada bariga Somaliland siyaasad cajiib ah oo uu guulo ka gaadhay xisbiga Kulmiyee ee aanu is hayno, markaa  reerkana sidii loo kala jajabin jiray aan u kala jabin ee mid ka wada dhigtay Faarax Cabdille, oo dhan mid ayuu sameeyay. Hawshii iyo wixii loo igmaday ee Wasaaraddana meel sare ayuu gaadhsiiyey, markaa waxaad moodaa ifafaalada siyaasadeed markaad eegto in dib u soo noolaatay taageerayaashii ballaadhnay ee xisbiga Kulmiye. Raggii tuubadu afka ugu jirtay markii hore xuukamadda ee qaranka boobaayey ayuu u gacan galiyey hagitaankii siyaasadda xisbiga Waddani oo khalad talo xumo ah ayaa ku dhacday xisbigii Waddano, taasoo ay sabab u tahay koox reerka odayga ah oo isku aruurisay xisbigii Waddani oo haddii wax laga qaban khatar ayey ku tahay xisbiga inuu gulaysto. Qoraxdaa  dhalaaleysa ma cid ayaa sacabada saari karta oo ku qarin-karta? Waa maya jawaabtu. Waddooyinkii immika uu dhaafay ee maalintii dhawayd Labareeriga uu ka dhisayo jaamacad Camuud ayaa jirta, Waxaan leeyahay Wasiir Cali Nin gaadhi waayey innuu maanta wax ka sheego Cali maaha. Waxaan sheegayaa raggii Wasiirka u ahaa reerkoodii markii hore waa kuwii laba, laba u kala shirinayey markii hore. Maanta waxa muuqata in reerihii labo labada loo kala shirinayey ee lagu kala dhex jiray ee innuu maanta mideeyay Cali Mareexaan.”

 

 

 

Xigasho Haldoornews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews