berberatoday.com
Dib Umilicso”Dr. Gaboose oo Weedho Qabyaalad Xambaarsan ku doortay Xisbiga Waddani “Siyaasi Kastaba Deegaan Ayuun-Buu Taageerada Ka Filaya,Waxa Dhacday Aniga Iyo Cabdiraxmaan Cirro Inay Iskaga Kayo Mil-Meen Taageerayaashii. Nin-Walba Itaalkiisi Iyo Orodkiisii,Waxan Oggaanay Maalintaas Inaan La Joogin Waqti Aan Ku Idhahdo Iga Hadh,Isna Aanu Joogin Waqti Uu Yidha Iga Hadh”.
December 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxanu halkan idinku soo Gudbinaynaa muuqaal Fidyow ah, oo laga duubay Gudoomiyihii hore ee Urur Siyaasadeedkii Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo markii Ururkiisi ka hadhay tareenka Saddexda xisbi qaran ee dalka, isaggu markii danbe si toos ah oo aan gabasho lahayn ugu biiray xisbiga waddani oo ay isku beel kasoo jeedeen hoggaamiyahiisa, oo weliba xanaf Siyaasadeed oo badani ka dhaxaysay.

Gaboose iyo ciro

Haddaba hadalka Dr. Gaboose ayaanu qoraal iyo muuqaalba idiinka diyaarinay waxanu dhigan yahay sidan.

“Siyaasi Kastaba Deegaan ayuunbuu Taageerada ka Filaya, waxa dhacday aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro inay iskaga kayo Melmeen Taageerayaashii oo mid-ba midka kale. Nin-walba Itaalkiisi iyo Orodkiisii, waxaan oggaanay Maalintaas Inaan la joogin Waqti aan ku idhahdo iga hadh, isna aanu joogin waqti uu yidha iga hadh.

Hadaan Miiskii Fadhiisanay oo Nin-ba nin eegay, sheekadi halkaan ka bilaabi lahayn garab waynay mid uunbay nagaga soo Ururtay, middu waxay ahayd Xasaasiyadda iyo Xantada ay ku beeri karto Taageerayaasha isku midka u badan in laga sii tashado, taas ayeyna noqotay tii aan Maalintaa is nidhi, oo ahayd hadaad adkaatidna waan kugu soo biirayaa, hadii aan adkaadana igu soo biir.

Iyadoo balantaasi taalay haddana Ururka keligay maan lahayn ee Somaliland oo dhan ayaa ila lahayd, waxanan taladii u dhiibay Gudoomiyeyaashii, waxanay la kulmeen saddexda xisbi ee dalka ka jira, sidaas ayeyna Umaddii kusoo gashay waddani.

Aniga iyo Cabdiraxmaan subax ayaanu ku kulan qol ku yaala Huteel Boorama, waxa labadayadaba ka muuqday Daal-faro badan oo midkayaba kan kale u gaystay”. Halkan hoose ka daawo Dr. Maxamed Cabdi gaboose xilligii uu ku biiray xisbiga waddani, waqtigaas oo Ururkiisii Umaddu ka dhacay tartanka xisbiyadda.

 Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews