Maxaa Ku Jaban Haddii Jamaal Iyo Muuse Ay Galaan Heshiis Siyaasadeed Oo Hore Somaliland Uga Dhacey? W/Q Aw Faarax Tukaale S
December 9, 2016 - Written by Berbera Today
Somaliland siyaasadeedu waxay ku dhisantahay hab deegaan oo salka ku haysa Nidaamka Beelaha ama Qabaailka iyo kolba inta ood wadaaga ahi samayso is xulufaysi siyaasadeed oo lagu gaadho guusha kursiga lagu hantiyo.

Hadaba iyadoo taasi jirto damaca siyaasiga waa laysku qabtaa oo layskaga horyimaadaa. Waxa dhacday oo taariikhdu xusaysaa dagaal siyaasadeed oo dhex maray waqtigii uu mucaaridka ahaa M.weyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Saleebeen Gaal oo isku deegaan ah; balse aakhirkii heshiiyay gacmahana is qabsaday lagumana ceebaysan wixii hore dhex marayna halkaas waxa kusoo afjarmay xurguftii siyaasadeed ee mudada badan ka dhaxaysay, Heshiiskaas oo door wayn ka ciyaaray guushii M.weyne Siilaanyo kasoo hooray doorashadii 26 June 2010.