Mudane Madaxwayne Maxaad Kala Socotaa Golihii Deegaanka Hargeysa oo Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay”Qalinkii” Axmed Aadan Rooble”
December 9, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-waa muhiim in qalinka loo qaato si loo saxo loona toosiyo hadii mid kamida haayadaha dawliga ahi gabaan xilkooda
madaxwayne sida dastuurka qaranku dhigayo adigaa ah masuulka ugu sareeya dalka islamarkaana ay saarantahay masuuliyadda ka warhaynta haayadaha dawliga ah hadii ay xilkooda gabaan
dabcan golaha deegaanka hargeysa oo la doortay november 2012 waxay muddo kooban kadib noqdeen gole gabay xilkoodii bulshadii dooratayna kala kulmeen hungo
madaxwayne mudadii golaha deegaanka caasimaddu joogeen waxaad moodaa inaanay talaabo wayn oo dhinaca horumarka ah qaadin arintaas oo loo nisbaynayo dhawr sababood