Dawlada Sacuudiga Oo Joojisay Xoolihii Somalida Xilli Ay Abaaro Baahsani Ku Habsadeen
December 9, 2016 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa Idaacada VOA Oo Baligubadle Media Kasoo Xigtay la wadaagay qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.
Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jedda ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mida ganacsatada xoolaha isla markaana amar lagu siiyey in la hakiyo xoolaha iyada oo loo sababeeyey arrimo dhinaca caafimaadka ah.