berberatoday.com
Sirdoonka Soomaaliya Oo Somaliland Iyo Puntland Uga Digey Khatarta Koox Taabacsan DAACISH Oo Ku Dhuumaaleysanaya Buuraleyda Galgala
December 9, 2016 - Written by Berbera Today

Kooxda DAACISH Ee Khatarteeda Laga Digay Waa Kooxdii Puntland ka qabsatay Degmada Qandala

Muqdisho(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidammada Sirdoonka Dalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa Somaliland iyo Maamulka Puntland uga Digey khatarta kooxda taageersan Daacish ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Galgala ee xuduudka Gobolka Sanaag la wadaago Puntland.

Warka labaad (8)Taliye Gaafoow wuxuu sheegay in kooxdaasi ay ka khatarsan yihiin kooxda Al-shabaab ee dalka Soomaaliya, isla-markaana ay khatar ku keeni karto nabad ka jirta Somaliland iyo Puntland.

“Somaliland iyo Puntland waa inay ka digtoonaadaan khatarka kooxda Daacish ee ku Jirta buuraleyda Golis, waa niman ka khatarsan kooxda Al-shabaab oo hub ka heli kara Nimanka ka dagaalamaya Yemen”ayuu yidhi Janaraal Gaafow oo u warramay Telefiishanka Kalsan.

Sidoo kale wuxuu Taliyuhu ka hadlay Xubno Wasiirro ka ah Somaliland oo haysta baasaaboorka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay inaanay wali ka madax-banaanaan Dalka Soomaaliya ee Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay.

Kooxda Daacish ayaa ka dagaalanta Buuraha Galgala ee dhulka Maamul Goboleedka Puntland, balse aan ka dagaalamin xuduudaha Somaliland iyo Dhulkeedaba, waana markii u horeysa ee Taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya sheego in kooxdaasi khatar ku tahay nabadgalyada Jamhuuriyada Somaliland.

Kooxda Daacish taabacsan, ayaa bishii hore qabsatay Degmaa Qandala ee Gobolka bari ee Maamulka Puntland, laakiin dagaal qadhaadh oo labadii Maalmood ee u dambeeyay Ciidammada Puntland halkaas kula galeen, ayay Qandala kaga saareen oo ay dib uga qabsadeen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews