Sirdoonka Soomaaliya Oo Somaliland Iyo Puntland Uga Digey Khatarta Koox Taabacsan DAACISH Oo Ku Dhuumaaleysanaya Buuraleyda Galgala
December 9, 2016 - Written by Berbera Today
Kooxda DAACISH Ee Khatarteeda Laga Digay Waa Kooxdii Puntland ka qabsatay Degmada Qandala
Muqdisho(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidammada Sirdoonka Dalka Soomaaliya General Cabdillaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa Somaliland iyo Maamulka Puntland uga Digey khatarta kooxda taageersan Daacish ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Galgala ee xuduudka Gobolka Sanaag la wadaago Puntland.
Taliye Gaafoow wuxuu sheegay in kooxdaasi ay ka khatarsan yihiin kooxda Al-shabaab ee dalka Soomaaliya, isla-markaana ay khatar ku keeni karto nabad ka jirta Somaliland iyo Puntland.