Kulan Xasaasi Ah Oo Guriga Murashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Ku Dhexmaray Mujaahid Ibraahin Dhega-weyne Iyo Qardoofooyin Siyaasadeed Oo La Iska Laab-xaadhay
December 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday in shalay (Khamiis) gelinkii danbe kulan saacado badan qaatay uu ku dhexmaray Guriga Murashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Muj. Ibraahin Cabdilahi Xuseen (Dhego-weyne). Kulankan ayey wararku sheegeen in labada Mujaahid iskaga lab-xaadheen qardoofooyin siyaasadeed oo kala ir-dheeyey sannadadii u danbeeyey.
Kulankan ayaa la sheegay inay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee Beelaha Subeer awal iyo sidoo kale shaqsiyaad Mujaahidiin ah oo isla Beeshaa kasoo jeeda. Waxa kaloo kulankan goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka koobad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo masuuliyiin ka tirsan xisbigaa.
Wararka ayaa tibaaxaya in Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Muj. Ibraahin dhega-weyne kulankaa ku garnaq sadeen, dood badan kaddibna waxa xoggaha laga helay sheegeen in Murashax Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday Mujaahid dhega-weyne inuu garab galo oo gadh-wadeen uu uga noqdo sidii uu Bulshada Somaliland Madaxweyne ugu noqon lahaa. Waxa la sheegay in Muj. Ibraahin dhega-weyne uu ka aqbalay Codsigaa uga yimi Musharraxa Madaxweynaha ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxanu la sheegay inuu ku war geliyey inuu dhisi doono ku garab geli doono Musharraxnimadiisa.
Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa hadii uu xaqiiq noqdo waxa uu noqon doona mid Musharraxa Madaxweyne ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi usoo jiida taageero badan, iyo sidoo kale inuu soo ceshadday saaxiib hal adayga leh oo bulshada miisaan Culus oo siyaasadeed ku leh, arrintaan ayaa keeni kartaa in xisbiga Kulmiye mar labaad dib ugu soo laabto guriga madaxtooyadda tartanka doorashadda soo socota. Dhinaca kale Muj. Ibraahin dhega-weyne ayaan isaggu tan iyo markii uu hadhay Urur siyaasadeedkiisi Udhis aan xisbiyada midna helin. Hase-yeeshee waxa uu jan-jeedhay dhinaca mucaarid.