berberatoday.com
Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Cirka Isku Shareeray, Saamaynta Uu Ku Yeelanayo Bulshada Iyo Doorkii Baanka Dhexe Oo Maqan
December 10, 2016 - Written by Berbera Today

Lacagtii Adkayd Ee Doollarka Oo Gacmo Gaar Ah Ku Ururtay + Xaaladda Ay Waajahayaan Dadka Mushaharka Ku Qaata Shilinka Somaliland + Saamaynta Dhaqaale Ee Dalka

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qiimaha Sarifka Lacagta Doollarka, ayaa Shalay mar keliya Cirka isku shareeray, waxaana Boqolka dollar ee Maraykanka ah Suuqyada Somaliland lagaga iibinayaa 820,000 (8 Boqol iyo Labaatan kun) oo Shilinka Somaliland ah, halka marka aad Adigu Boqolka Doollar sidato laguugu beddelayo 800,000 (8 boqol oo kun).

Warka 1-aaad (1)Kor u kaca Safirka Doollarka, oo saamayn weyn ku yeelanaya Nolosha Guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadka Danyarta ah ee Noloshoodu ku tiirsan tahay Lacagta Somaliland, ayaan dhab ahaan ilaa hadda loo ogeyn waxa keenay kor u kicisa.

Laakiin, baadhitaan uu Wargeyska Himilo ku sameeyay Sababaha loo aanaynayo Kor u kaca qiimaha lagu kala Sarifanayo Lacagta Dollarka, ayaa wuxuu ku ogaaday in Suuqyada Dalka ay ku yaraatay Lacagta Adag ee Dollarka, ka dib markii Ganacsatadii Lacagaha ay Cashuurta ku bixiyaan ka sarifan jiray Suuqyada Dalku ay Lacagtoodii u weeciyeen Shirkadaha waaweyn ee Dalka qaarkood isla-markaana Lacagtii doollarka ahayd ee Suuqyada la gelin jiray ay meelo gaar ah Gacanta u gashay, taasina sababtay in Lacagtii doollarka ku yaraato Suuqyada, taasina horseedday in Sariflayaashu doollarkii ay hayeen kor u qaadaan qiimihiisa.

Baanka dhexe ee Somaliland oo ay Masuuliyadi ka saaran tahay Xakamaynta Qiimaha lagu kala beddesho Lacagaha Qalaad, ayaa Suuqyada Dalka ku siidaayay Lacag badan oo Shilinka Somaliland ah, wallow loo baahnaa inuu Lacagta adag ee doollarka suuqyada ku siidaayo si Safirka doollarka halkiisa loogu hayo.

“Halkuu ka jabin lahaa Dollarka ee uu Suuqyada ku siideyn lahaa Doollar, ayuu Baanku lacag cusub oo Somaliland ah soo geliyey.”ayuu yidhi, mid ka mid ah Sariflayaasha waaweyn oo Wargeyska Himilo waydiiyey wuxuu u maleynayo inay keentay Sicir-bararka Lacagta Doollarka, ka dib markii Masuuliyiinta Baanka dhexe ka gaabsadeen inay Arrinkan ka hadlaan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews