berberatoday.com
War-bixin: Shimbir Ka Soo Ambabaxay Shiinaha Oo Soo Gaadhay Xeebaha Magaalada Muqdisho
December 10, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Shimbirka Meng, ayaa Socdaal dhib badan kaddib si nabad kusoo gaadhay Soomaaliya, isagoo hadda ku sugan xeebaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warka ShimbirkaShibirkan Meng lagu magacaabo, ayaa lagu xidhay Qalabka muujinaya halka uu marayo, ka hor intii aanu ka soo duulin Waqooyiga Waddanka Shiinaha.

Milkiilaha Shimbirkaan oo u dhashay Ingiriiska ayaa ku nool Magaalada Beijing, Waxaana shimbirkan iyo shimbri kale oo la socday lasoo diray Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania.

Shimbirahan waxaa  la soo diray Bishii September ee Sannadkaan, waxayna ku qaadatay Meng inuu yimaaddo Soomaaliya masaafo gaadhaysa 3,400-km oo aan hakad lahayn illaa markii uu safarkiisa soo billaabay.

Dhanka kale, Shimbirkan Meng ayaa maalintii Salaasadii soo gaadhay Xeebaha Muqdisho, wuxuuna weli ku suganyahay Xeebta, iyadoo Ninka Shimbirkaan iyo labada kale u soo diray Afrika uu ku sheegay inay ujeeddadiisu ahayd in uu horumarinyo deegaanka iyo noolaha kale.

Shimbirka ayaa intuu ku soo jiray Safarkiisa wuxuu la kulmay dabeyl aad u xoog badan, inkastoo uu ugu dambeyntii uu kasoo gudbay uuna Magaalada Muqdisho yimid.

Meng oo Macnaheedu yahay shimbirka riyada ayaa wuxuu ka mid ahaa xayn shimbiro ah oo uu leeyahay, Terry Townshend oo ah Shimbire-dhaqaaleeye u dhashay Britain, wuxuuna u dhaq-dhaqaaqa bad-baadada deegaanka.

Labada Shimbir ee kale ayaa lagu kala magacaabaa; Flappy iyo Skybomb, waxaana Flappy uu joogaa dalka Kenya muddo bil ah isagoo kasoo hormaray Meng, wuxuuna 15 jeer galay Sohdinta Somalia ka hor intaanu Meng iman Soomaaliya.

Balse, Nasiib-darro mar ayaa Flappy laga waayay qalabka xogta keydinayay, inkastoo dib loo helay markii dambe, kaddib markuu dib ugu laabtay meeshii loogu talo-galay oo ahayd dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Imaanshaha Men gee Somalia ayaa aad uu u soo dhameeyay Mulkiilaha iyo Ardeyda saaxiibbadii ah, iyadoo Warbaahinta Bulshada aad ugu hadal-haya booqashada Meng ee Soomaaliya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews