berberatoday.com
“Anigu Waddani Kama Bixin, Waanse Dhaliilsanahay Shirkii Golaha Dhexe” Xildhibaan Tukaale Oo Ka Tirsan Golaha Wakiilada
December 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa beeniyey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la baahiyey, oo sheegaya inuu ka baxay Xisbiga Waddani ee uu ka tirsanaa, isla markaana uu ku biiray Xisbiga Kulmiye.

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey, waxa ka jira warkan laga baahiyey, ayaa yidhi “Wax alaale wax ka jiraa ma jirto in aan ka baxay Xisbiga Waddani, kuna biiray Xisbiga Kulmiye, anigu waxaan ka mid ahay Mudanayaasha Golaha Wakiilada, waxaan ahay Xildhibaan Qaran, oo Shacabka reer Somaliland oo dhan Xildhibaan baan u ahay, sidaas oo ay tahay, haddana Shacabka reer Somaliland iyo Beesha aan ka soo jeedaa meesha ay igula taliyaan ee ay u arkaan dan ayaan ku biiraya, laakiin wakhti xaadirkan la joogo waxaan ahay Waddani”.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, ayaa waxa uu sheegaya in aanu ku qanacsanayn qaabkii uu u dhacay Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani, waxaanu tilmaamay in si cadaalad daro ah uu u dhacay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews