Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka Hadlay Maalmaha Xuquuqal Insaanka Iyo La Dagaalanka Musuqa
December 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay labada maalmood ee Xuquuqal insaanka iyo la dagaalanka musuqa oo ku kala beegnaa Sabtidii shalay iyo Jimcihii toddobaadkan.
Aadan oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ilaalinta xuquuqal insaanku ay tahay waajib saaran qaranka, “Xuquuq horta yaa difaaca. Waxa ah qaranka, hay’adaha qaranka ayaa xuquuqda waxna difaaca waxna bixiya waxna ilaaliya, waa saddexdaas nooc. In xuquuqaha la bixiyo ayaa difaaca ka horaysa oo qarankaa laga helaa shaqo abuur, nabadgeliyo, meel uu qofku dego, markaas intaan difaaca la gaadhin yaa xuquuqda bixiya. Qarankaa bixiya.” ayuu yidhi Aadan oo intaas raaciyay “Markay difaaca noqotana cidda koowaad ee laga filayaa waa hay’adaha distoorka qaranka oo marka imika xaqaaga lagu xad gudbo waxa ku difaacaya oo laga bilaabayaa booliska oo amniga ka bilaabaya.”